SONNA (MUQDISHO)- Golahau dhexeeya Maamul-goboleedyada iyo dowladda dhexe ee waxbarashada oo ka kooban dowladda federaalka ah, Maamulada xubnaha ka ah federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir BRA ayaa wejigii labaad ee kulankooda ku yeeshay magaalada Kismaayo ee caasimadda maamul goboleedka Jubaland, iyagoo goโaanno waxtar u leh waxbarashada dalka Soomaaliya soo saaray.
Xafiiska Waxbarashada ee RCRF ee wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare (MoEC&HE) ayaa hogaaminayay abaabulka kulanka iyo maamulka kulankii labaad ee golaha.
Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Saree e dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaajir โCarabโ, ayaa ku dhiirigeliyay dhamaan xubnaha golaha in laga dhowrsado siyaasadeynta waxbarashada Soomaaliya, maadaama waxbarashadu ay baahida aasaasiga ah ee dhowr milyan oo caruur Soomaaliyeed ah oo ku nool Soomaaliya oo dhan.
Wasaaradda Waxbarashada ee dowladda Federaalka, ayaa la wadaagtay golaha u jeeddooyinka qaran ee horumarinta waxbarashada Soomaaliya, dhibaatooyinka iyo rajooyinka wanaagsan ee mustaqbalka ee ay tahay in la dabaqo oo laga fuliyo dhamaan heerarka dowladnimo.
Waxaa kulanka golaha ka qeygalay wufuud sare oo ka kala socotay heyโadaha kala duwan ee waxbarashada dalka oo taageero ka helay khibradda xafiiska warbarashada RCRF oo fududeynaya wadahadalada, diiwaangelinta heshiisyada iyo diyaarinta Warmurtiyeedka shirka si loo xaqiijiyo in shirka goluhu u uku dhamaado guul, ayna ka soo baxdo natiijo wax ku ool ah.
Golaha ayaa sidoo kale ku guuleystay in uu isku afgarto aasaaska dhismaha guddiga qaran ee imtixaanaadka iyo Majhajka, nidaamyada tijaabinta ixtixaanaadka, shahaadooyinka horumarinta manhajka, hubinta tiigsiyada ay fulinayaan guddiyada, doorarka kormeerka inta imtixaanadu socdaan iyo fulinta howlaha manhajka, ansixinta imtixaanada, shahaadooyinka iyo manhajka.
Kadib wadaxaajood dheer, wuxuu goluhu ugu dambeyntii isku raacay Is-af-garad (MoU) hababka loo marayo dhismaha guddiyada qaran ee imtixaanaadka/shahaadooyinka iyo guddiyada manhajka taasoo sii xoojin doonta isku xirka wadashaqeynta heyโadaha waxbarashada dalka. Mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee Golaha oo ay ku jiraan diyaarinta xeerarka lagu dhaqayo guddiyada waxbarashada.