Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriayadda federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiyaha golaha aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeennada labada aqal ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 6-aad ee wadajirka ah, ee Baarlamaanka labadiisa aqal.
Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa sii wadida ka doodista habraaca wax ka badelka dib u eegista dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka ayaa dood adag ka yeeshay qodobo u baahan in wax ka bedel lagu sameeyo, waxayna qaarkood soo jeediyeen talooyin ku saabsan in si fican loogu fiirsado habraaca astuurka, iyadoo loo eegaayo muhiimada uu dalka iyo muwaadinka Soomaaliyeed uu u leeyahay Dastuurka.
Guddoomiyaha golaha shacabka oo soo xiray kulanka wadajirka ah ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in guddiga la socodka iyo hirgelinta Dastuurka ee BJFS qaataan talooyinka iyo soo-jeedinta xildhibaanada isla-markaana ku soo daraan habraaca ansixinta dastuurka ayna maalinta sabtida horkeenaan baarlamanka JFS.