Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan amniga, dardargalinta hawlaha Xukuumadda iyo ka jawaabista saamaynta culeesyada caalamka kasoo kordhay ee dhinaca amniga iyo dhaqaalaha.
Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Adeegyada Amniga gaarka ahย oo ay golaha horkeentay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hagaha Nidaamka Hanti-dhowrka Gudaha (Internal Audit Charter) oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorsheynta.
Golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno xog naqshadaysan oo ku saabsan fatahaadaha webiyada dalka iyo halista wajahaysa illaha biyaha, waxaanna warbixintaas soo jeediyay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha. Waxaa sidoo kale golaha loo jeediyay warbixin faahfaahsan oo la xiriirta sicirka badeecooyinka kala duwan ee dalka kadib xasaradda ka aloosan Marin-biyoodka Hormus.
Warbixinta sicirka badeecooyinka iyo saamaynta xayiraadda Marinka Hormus oo soo diyaarisay Hayโadda Tirakoobyada Qaranka ayaa muujisay in boqolkiiba 40% ay hoos u dhaceen badeecooyinkii imaan jirey dalka, taas oo keentay in qiimaha cuntada uu sare u koco boqolkiiba 10%,ย adeegyada caafimaadka waxa ay kaceen 14%, halka badeecooyinka kale ay sare u kaceen wax intaas ka badan.
Golaha waxa ay aragti dhiibteen siyada ugu habboon ee looga jawaabi karo, waxaanna la faray wasaaradaha ay quseyso in ay tallaabooyinka ku habboon ka qaataan xaaladaha jira si culeeska looga qafiifiyo shacabka.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa golaha la wadaagtay warbixin la xiriirta arrimaha xajka oo meel wanaagsan maraya, iyada oo sanadkan xujeyda garoonka Aadan Cadde looga sameeyay Taarminaal u gaar ah.
Ugu dambeyntii, Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa ammaanay amniga iyo xasiloonida ka jirta qeybo badan oo dalka ka mid ah oo ay caasimadda ugu horeyso, wuxuuna ka digey in la carqaladeeyo amniga, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay illaashadaan nabadda.