Muqdisho, (SONNA): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo lagu ansixiyey Xeerka Dhismaha Xafiiska Amniga Qaranka, kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha.
Shirka oo uu guddoominaayey Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan amniga guud ee dalka, gaar ahaa dagaalka ciribtirka Khawaariijta ah.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin muhiim ah oo ku saabsan waxbarashada heerarka aas-aasiga ah iyo midda sare ee ardayda Soomaaliyeed ka dhageystay Wasaaradda Waxbarashada, si loo horumariyo tayada waxbarashada dalka.