Muqdisho-SONNA Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta, iyada oo la bogaadiyey howlgalladii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Shirka, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Wasaaradda Difaaca looga dhageystay guulaha laga gaaray howlgalka Beder ee bishii Ramadaan, kaas oo lagu xoreeyey deegaannada Mubaakar iyo Daaru-sallaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamadu waxay sii wadi doonaan howlgalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo qarkood u saaran yihiin in ay xoreeyaan degmooyin waaweyn oo dalka ka tirsan.
Goluhu wuxuu ansixiyey Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka Ganacsiga sharci darrada ah ee daawoyinka maanka dooriya iyo kuwa saameeya ee 1988, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka XJFS.
Sidoo kale, shirka golaha ayaa lagu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee magacaabidda taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, waxaana loo magacaabay Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo horey xilal sare uga soo qabtay ciidamada qalabka sida, lehna sooyaal waxqabad oo wanaagsan.