Muqidsho, (SONNA):- Golaha Wasiirada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliyeed ayaa maanta ansixiyay Heshiis is Afgarad ah oo ay kala Saxiixan doonaan Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Talyaaniga ANSA.
Is-afgaradka ujeedkiisu waa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo is-dhaafsiga xogaha labada hayโadood iyo in la taageero horumarinta qaybta warbaahinta Soomaaliya.
Heshiiskaan is afgarad ayaa lagu meelmariyey shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaas uu shirguddoomiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.