Muqdisho,(SONNA):-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa maanta ku ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe, kadib soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda.
Shirka oo uu guddoomiyey raโiisul wasaare Ku xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey xubnaha oo kala ah:-Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim(Qaloocoow),Faysal Cabdulaahi Warsame,Maxamed Xasan Cumar.
Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo la ayiday in guddi hwaleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga midho dhaliyo hiigsiga 20260.
Golaha ayaa ansixiyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.
Dhanka kale Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.