Jowhar,(SONNA); Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle oo intiisa badan diirada lagu saaray xaalada abaarta dalka.
Ugu horeyn Wasaaradda Amniga Hirshabeelle ayaa Golaha la wadaagtay howlgaladii ugu dambeeyay ee Khawaarijta oo ka socda nawaaxiga degmada Xawaadleey iyo weerarkii lagu khaarijiyey xubno argagixisada ah oo ka dhacay deegaanka Goobo ee hoostaga degmada Maxaas.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigtay warbixin ku aadan xaaladda Biniโaadanimo ayaa sheegtay inay abaarta saameysay 1.5 Milyan oo dadka Hirshabeelle ah.
Wasaaraddaha Arrimaha Guddaha, Caafimaadka, Biyaha, Xanaannada iyo Beeraha ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay sida magaalooyinka ay u buux-dhaafiyeen dadka kasoo barakacay abaarta, biyo-yari daran oo jirto, xoolihii oo martay, xaalado caafimaad oo ay abaarta sababtay iyo dalagyadii oo baabaโay.
โAbaar daran ayaa dalka ku dhufatay, aan u soo jeesano gurmadka dadkeenna oo wajahayo daruuf nololeed oo aad u adag.โ Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa haddalkan ka sheegay kulanka Golaha Wasiirrada.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa faray dhammaan Hayโaddaha Dowladda in loo guntado badbaadada dadka Hirshabeelle ee sida weyn u saameysay abaarta ka dhacday dalka.
