Muqdisho-(SONNA)-Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ee (GWS) oo kaashanaya Xafiiska UNSOM ayaa maantay muqdisho ku qabtay tababar ku saabsan kor u qaadidda aqoonta iyo xirfada wariyaasha Soomaaliyeed.
Waxaa ka faa’iidaysan doona 35 wariye oo ka kala socda xarumaha Warbaahinta dalka, waxaana uu socon doonaa muddo 3 maalmood ah.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Warbaahinta Qaranka Md Maxamed Shiil Xasan ayaa sheegay in ahmiyada ballaaran uu tababarkan u leeyahay bahda Saxaafadda.
Tababarkan waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta DFS Md.ย C/llaahi Xayir, waxaana uu hoosta ka xariiqay Ahmyada uu Golahaan u leeyahay Dalka, isagoo Wariyaasha ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan.