Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Golaha Shacabka oo ka dooday Sharciga burcad Badeedda iyo sharciyo kale
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha Shacabka oo ka dooday Sharciga burcad Badeedda iyo sharciyo kale
GudahaWararka

Golaha Shacabka oo ka dooday Sharciga burcad Badeedda iyo sharciyo kale

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 25, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Mudanayaasha Golaha Shacabka BFS Baarlamaanka ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa sideedaad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa soo gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado maalinta xusuusta Qaranka ee dhibanayaasha Argagixisada ee Soomaaliya, waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoominayay uu sheegay in doodda soo jeedinta Xildhibaanadda dib loo dhigay, islamarkaana maalinta Isniinta ah laga doodi doono.

Intaasi ka dib, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka hanaanka lacag bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharciga la dagaalanka urcad Badeedda iyo ka hortagga afduubka sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii April sanadkii 1975-kii, waxaana xildhibaanadu ay aragtiyadooda ka dhiibteen qodobbada hindise sharciyeedyadan iyo muhiimadda ay dalka u leeyihiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyadda ku shaqada leh hindise sharciyeedyadan in ay kusoo daraan doodda iyo aragtiyada Xildhibaanada, islamarkaana ay dib ugu soo celiyaan golaha si akhrinta sedaxaad loo marsiiyo.

Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka macdanta Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka macaamilka danabeysan, Hindise Sharciyeedka Dembiyada kufsiga iyo Anshax xumada kale iyo Hindise Sharciyeedka wax-kabeddelka qeybta lixaad ee sharciga iibka Qaranka 2016.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qaramada Midoobay oo maanta ka hadlaysa weerarada cirka ee Israa’iil ka waddo Rafac

New York-(SONNA)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta isugu yeeray shir degdeg ah oo looga arrinsanayo weerarada cirka ah ee…

CaalamkaWararka
May 28, 2024

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug oo ka warbixiyey guulaha ay gaareen ciidamada amaanka Galmudug in uu xafiiska joogay

Muqdisho:(SONNA)-Wasiirka wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’id  ku qabtay Galkacyo ayaana ka warbixiyay guulihii laga gaaray howlgaladii…

Wararka
June 7, 2020

Ciidanka xoogga oo Howlgallo ka dhan ah Alshabaab  ka fuliyay Hirshabeele

Shan qof oo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa la qabtay,ka dib markii ciidamada Xoogga ay…

Wararka
February 11, 2021

Wasiirka Gaadiidka XFS iyo Cumaan oo ka wada hadlay dhamayatirka heshiiska Hawada

Muscat (SONNA) -Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Fardowsa Cismaan Cigall iyo Wafdi ay hogaaminayso oo ka…

GudahaWararka
December 13, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023