Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyay shir xildhibaanada golaha ay ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Golaha oo ku shiray xarunta Villa Hargeysa ayaa ku ansixiyay wax ka bedelka xeer-hoosaadka golaha oo fadhiyadii ugu dambeeyayย ka yeesheen dood.
136-xildhibaan ayaa ogolaatay,2-xildhibaan ayaa ka aamustayย 5-xildhibaanna waa ay diideen.
Dhanka kale, Guddiga arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka dowlad goboleedyada ee golaha Aqalka Sarre, ayaa kulan ka yeeshay falanqeynta warbixinta wax-qabadka guddiga iyo u diyaar garowga safaro shaqo oo ay ku tegayaan dowlad goboleedyda dalka.
Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare, oo maalmahaan waday dardar gelinta howlaha shaqo ee guddiga ayaa maanta dib u qiimayn ku sameeyay qorshe howleedkii guddiga.