Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay
    July 1, 2025
    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo dalka Spain kaga qayb galay shirka 4-aad ee maalgelinta horumarinta
    July 1, 2025
    MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA
    July 1, 2025
    Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon
    July 1, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania
    July 1, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Golaha Shacabka oo Ansixiyay labo sharci oo muhiim ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha Shacabka oo Ansixiyay labo sharci oo muhiim ah
GudahaWararka

Golaha Shacabka oo Ansixiyay labo sharci oo muhiim ah

By Dahir Aadan Cali
Last updated: March 11, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta hor geeyay golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka xubnaha gudiga madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG ah oo ay dhawaan ay soo gudbiyeen golaha wasiirada xukuumadda.

Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha waxay u qaadeen cod, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay.

Ansixinta ka dib, wasiirka wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa u mahadceliyay xildhibanada golaha shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen xubnaha guddiga madax bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo ay soo gudbisay wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah:

  1. Maxamed Xasan Idiris
  2. Axmed Maxamuud Jaamac
  3. Maxamed Cabdalla Saalax
  4. Farxiya Muumin Cli
  5. Burhan Aadan Cumar

Dhanka kale, Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka  horumarinta iyo maareynta Kalluumaysiga Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 142, halka hal xildhibaan uu ka aamusay. Sharicigan ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa uga mahadceliyay xildhibanada golaha shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen sharcigan oo muhiim u ah kor u qaadista Kheyraadka dalkeenna.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Riyad (SONNA): Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaalanka Argagixisada (IMCTC) ee…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka oo kulan la qaatay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Kulan la qaatay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee…

GudahaWararka
January 30, 2023

Wasaaradda Deegaanka XFS oo soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Deegaanka XFS ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in…

GudahaWararka
April 24, 2024

Ra’iisul wasaare Xamsa oo sagootiyey khuburo tababar sare loogu diray Malaysia

Muqdisho (SONNA): R’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan sagootin ah la qaatay khubaro ka…

GudahaWararka
November 14, 2023

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Cusmaan Cumar Cabdullaahi

Muqdisho:(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha…

Wararka
April 20, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023