Muqdisho-(SONNA)-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda 26-aad ee kalfadhiga shanaad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ee maanta ayaa waxa uu ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta sare ee Qaranka iyo Qeybinta Akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka,waxaana ugu horeyn wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Taliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar ay Xildhibaanadda Golaha Shacabka u faahfaahisay warbixinta Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta sare ee Qaranka iyo qodobada uu ka koobanyahay.
Intaasi ka dib maadaamaa hindise sharciyeedkan la marsiinayay Akhrinta koowaad kama furneyn wax dood ah sida uu qabo Xeerhoosaadka Golaha Shacabka sidaasi daraadeed Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa wasiirka suโaalo ka weydiiyay mabaadiiโda guud ee Hindise Sharciyeedkan iyo saameyntiisa miisaaniyadeed.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa amray in hindise sharciyeedkan lagu wareejiyo guddiga ku shaqada leh si uu usoo diyaariyo Akhrintiisa labaad dibna Golaha ugu soo celiyo si looga doodo.