Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo soo saaray bayaan ku saabsan Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo soo saaray bayaan ku saabsan Soomaaliya
GudahaWararka

Golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo soo saaray bayaan ku saabsan Soomaaliya

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: January 6, 2026
4 Min Read
Share

Addis Ababa (SONNA): Goluhu wuxuu si adag uga horyimid isla markaana cambeereeyay go’aanka hal dhinac ah ee ay Israa’iil ku aqoonsatay “Somaliland” oo qeyb ka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya inay tahay dal madax-bannaan, taas oo halis gelinaysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Goluhu waxa uu si adag u cambaareynaya go’aankaas qaldan, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah looga noqdo.

Goluhu waxa uu mar kale xaqiijinaya sida ay uga go’an yahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan Axdiga Aasaaska ee Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4 (e) iyo (i) ee Heshiiska Golaha Nabadda iyo Amniga, iyo sidoo kale qodobada khuseeya ee Axdiga Qaramada Midoobay.

Goluhu waxa uu soo dhoweynayaa bayaanka uu soo saaray Mudane Mahmoud Ali Youssouf, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, taariikhdiisuna ahayd 26 Diseembar 2025, kaas oo diidaya tallaabo kasta ama qorshe kasta oo lagu aqoonsanayo waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) inuu yahay dal madax-bannaan, arrintaas oo khilaafsan mabda’a aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida Qaaradda, iyadoo sidoo kale wiiqaysa himilada Afrika mideysan, barwaaqo ah, oo nabdoon sida ku cad Ajandaha 2063.

Goluhu waxa uu caddaynayaa in aysan jirin cid xaq u leh ama awood u leh inay beddesho xuduudaha dhuleed ee dal xubinta ka ah Midowga Afrika, isla markaana tallaabo kasta oo noocaas ah ay tahay mid sharci darro ah, waxba kama jiraan ah, oo aan wax saamayn ah lahayn.

Goluhu waxa uu mar kale xasuusinayaa in isku day kasta oo lagu beddelo xuduudaha xoog ama si sharci darro ah uu yahay mid ka hor imanaya Axdiga Midowga Afrika, isla markaana abuuri kara tusaale khatar ah oo saameyn ballaaran ku yeelan kara nabadda, amniga, iyo xasilloonida Afrika.

Golaha Nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika waxa uu ogeysiisanaya in tallaabooyinka noocaas ahi ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida Qaaradda, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay carqaladeynayaan dadaallada amniga ee wadajirka ah iyo mabaadi’da la isla gartay ee Midowga Afrika.

Goluhu waxa uu ugu baaqaya dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamka inay dib u xaqiijiyaan madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeestaan fal kasta oo sharci-darro ah, isla markaana ay taageeraan midnimada Afrika, sharciyadda caalamiga ah, iyo xasilloonida gobolka; sidoo kale ku boorinaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika inay taageeraan dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu ilaalinayo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo in la taageero tallaabo kasta oo wadajir ah oo laga qaado Golaha Guud Qaramada Midoobay ee arrintan la xiriirta.

Goluhu waxa uu ugu hambalyeynayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda ku aaddan dhismaha dowladnimada; isla markaana ku dhiirrigelinaya sii wadidda wadahadallada gudaha dalka sida kaliya ee waxtarka leh ee lagu xallin karo khilaafaadka jira ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah; arrintaas awgeed, wuxuu codsanayaa Guddiga isagoo kaashanaya IGAD iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC), inuu sii wado taageerada iyo fududeynta wadahadallo wada-dhan ah oo nabadeed.

Goluhu waxa uu xusuusinaya muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo guulihii la gaaray iyo in la dardar geliyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab

Goluhu waxa uu go’aansanaya inuu si dhow ula socdo arrintan oo uu sii ahaado mid firfircoon oo ku hawlan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulan looga arrinsanayay Isku-dubbarididda Gurmadka Fatahaadaha oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka oo uu wehliyo agaasimaya Guuud ee Wasaaradda Caafimadka Dr Guuleed cabdi Jaliil ayaa kulan deg deg…

GudahaWararka
November 20, 2023

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda Cesvi oo heshiis kala saxiixday

Muqdisho(SONNA):-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta la saxiixday heshiis Wada shaqeyn dhanka Caafimaadka ah Hey’adda Cesvi. Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose…

GudahaWararka
May 4, 2021

Midowga Yurub oo cunaqabatayn ku soo rogay shan hoggaamiye oo ka tirsan milatariga Mali

Muqdisho.(SONNA):- Midowga Yurub ayaa sheegay in ay xayiraad dhanka socdaalka ah iyo mid dhanka hantida ah ku soo rogeen shan…

Caalamka
February 5, 2022

Wafdi ka kooban xildhibaanno iyo guddiga doorashooyinka Jubbaland oo gaaray Afmadow+(Sawirro)

Kismaayo-(SONNA)-Wafdi ka kooban Xildhibaano iyo gudigga madaxa bannana ee doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka…

GudahaWararka
October 5, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023