Muqdisho-(SONNA)-Baarlamaanka Pan-Afrika oo la aas aasay 2004-tii, ayaa waxaa ku mideysan 54 dal oo midkiiba uu shan xubin oo iskugu jira labada aqal ee baarlamaanada wadan kasta u soo diro.
Sanatar Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo matalaya Aqalka Aare ayaa markii ugu horraysay xubin ka noqday Baarlamaanka Pan-Afrika oo xilkaasna si rasmi ah loogu dhaariyay.
Sanatar Samatar ayaa markii la dhaariyay kadib warbaahinta uga warbixiyay wax yaabihii looga hadlay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika maadaama uu ka mid ahaa mudanayaashii ka qeyb qaatay doodihii iyo ajandayaashii looga dooday.