Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Kulanka Golaha amaanka ee QM oo looga hadlay dadaalka dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku bixiyeen dhismaha dowladnimada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Kulanka Golaha amaanka ee QM oo looga hadlay dadaalka dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku bixiyeen dhismaha dowladnimada
Wararka

Kulanka Golaha amaanka ee QM oo looga hadlay dadaalka dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku bixiyeen dhismaha dowladnimada

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 13, 2020
7 Min Read
Share
Muqdisho:(SONNA)-Doorka muhiimka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka ciyaareen taageeridda horumarinta dalkooda oo dhawaan soo shaac baxay ayaa diirada lagu saaray kulan gaar ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka yeesheen dhalinyarada, nabadda iyo amniga.“Inkastoo dhalinyarada Soomaaliyeed ay wajahaan caqabado badan isla markaana ay haystaan fursado xadidan, muddo yar kahor inta aan la soo saarin qaraarka 2250, waxay ka shaqeynayeen abuurista isbedel, dhisida nabadda iyo dardar gelinta horumarka, ‘ayuu kulanka ka yiri la taliyihii hore ee Qaramada Midoobay ee dhalinyarada Soomaaliya, Joao Scarpeling,

“Inta badan kuwaas waa kooxo aan rasmi ahayn oo mutadawiciin ah, oo si hal abuur leh u raadinaya habab ay ku abaabulaan asaaggooda, ayna ku horumariyaan bulshooyinka ilaha kooban iyo inta badan iyaga oo aan haysan taageero hay’adeed, ”ayuu raaciyay.

Golaha ayaa ku baaqay kulan khadka ah – oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Faransiiska iyo Jamhuuriyadda Dominican Arbacadii waxaana lagu qabtay waxa loogu yeero kulan aan rasmi ahayn ee Ggolaha Ammaanka (Arria-formula) kaas oo u oggolaanaya dadka martida – inay  wadaagaan casharrada laga bartay iyo hababka ugu fiican ee la xiriira hirgelinta go’aanno kala duwan oo ku saabsan dhalinyarada, nabadda iyo amniga marka laga hadlayo howlaha nabad ilaalinta ee QM iyo howlgalada siyaasadeed ee gaarka ah, iyadoo Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) uu ahaa midkii ugu dambeeyay.

Markii hore Golaha ayaa muujiyey doorka muhiimka ah ee dhalinyaradu ka qaadan karaan ka hortagga khilaafaadka, xallinta khilaafaadka, dhisidda nabadda iyo joogtaynta nabadda, iyo weliba muhiimadda ay leedahay fududeynta ka-qaybgalka dhallinyarada iyo hoggaaminta dhinacyadaas.

Xeerka lambar 2250 ee Golaha, oo la sameeyay 2015, wuxuu muujiyay doorka muhiimka ah ee dhalinyaradu ka ciyaari karaan ka hortagga khilaafaadka iyo xallinta iyo dadaallada dhismaha nabadda iyo muhiimadda ay leedahay fududeynta fursadaha ka-qaybgalka dhallinyarada. Waxaa xigay xeerarka kale oo lagu dhisay tan sanadihii xigay, sida xeerarka 2419 iyo 2535.

Madaxdii Qaramada Midoobay u hadashay 

Dadka ka hadlay kulanka waxaa ku jiray saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay sida Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Rosemary DiCarlo, iyo Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Hawlaha Nabadda, Jean-Pierre Lacroix. Waxay kahadleen shaqooyinka waaxyadooda quseeya, taageerida fulinta qaraarada, iyo hababka ugu fiican ee lagu hirgaliyo dhalinyarada, nabada, iyo ajandaha amniga ee howlgallada Qaramada Midoobay.

Marwo DiCarlo hadalkeeda waxay carrabka ku adkaysay in ka-qaybgalka dhallinyarada ee dadaallada nabadda ay tahay mid waajib ah waxayna ku baaqday in si wax ku ool ah loo hirgeliyo dhallinyarada, ajandaha nabadda iyo amniga, oo ay ku lug leeyihiin dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah.

“Taageerada sii socota ee Dowladaha Xubnaha ka ah iyo muhiimadda Golaha Ammaanka ayaa loo baahan yahay si horumar dheeraad ah looga gaaro ajendahan,” ayay tiri marwo DiCarlo. “Waa inaan ku dhisnaa xaqiiqda ah in ka-qaybgalka muuqda iyo ka mid noqoshada dhallinyarada geeddi-socodka siyaasadeed ee dhismaha nabadda aan mar dambe loo arkin ikhtiyaar ama wax lagafikirayo. Waxay si sax ah u noqotay mid ka mid ah tiirarka aasaaska u ah ajendaha joogtaynta nabadda.”

Dhankiisa mudane Lacroix ayaa xusay in hawlgallada nabad ilaalinta ay si muuqata uga gacan gaysanayaan hirgalinta go’aamada ku saabsan dhalinyarada, nabadda iyo amniga, balse in badan wali loo baahan yahay in la qabto.

“Dhalinyarada ayaa udub dhexaad u ah nabadda. Si ay fursad u helaan, waa in wax laga qabto baahiayahooda; codkooda ayaa xoogaystay hawlahooduna waa horumartay” ayuu yiri.

Dhalinyaradii hadashay  

Dadkii kale ee hadlay waxaa ka mid ahaa la taliyaha iyo isku duwaha barnaamijka dhalinyarada, nabada iyo amniga ee Hawlgalka Maamulka ku meel gaarka QM ee Kosovo (UNMIK), wakiilka QM ee Xaqiijinta Howlgalka ee Kolombiya, iyo mudane Scarpelini, oo hada ah khabiir madax banaan oo afartii sano ee ugu danbeesay ku shaqeenayay doorka la-talinta dhalinyarada ee Soomaaliyeed.

Markuu kasoo muuqday kulanka Golaha mudane Scarpelini wuxuu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay si fudud beesha caalamka u waydiisanayaan caawimaad: “waxay rabaan in la maqlo oo la arko, waxay kaloo rabaan in la aqoonsado waxqabadkooda togan, waxayna rabaan fursado iyo hay’ado ay kaga qayb qaadan karaan kor uqaadida dalkooda oo ay aadka u jecelyihiin”.

Wuxuu sheegay in samaynta qaraarka 2250 ee Golaha ay ahayd fursad iyo aqoonsi ay raadinayeen dhalinyaro badan oo Soomaali ah.

“Maalmo gudahood samaynta qaraarkan, ururada ay hogaaminayaan dhalinyaro oo ay taageerto Xafiiska QM ee Soomaaliya waxay qabteen munaasabad qaran, oo ay ka qaybgaleen 300 oo gabdho iyo wiilal isugu jira oo ka kala yimid dhammaan maamul goboleedyada dalka. Munaasabada ayey dhalinta Soomaaliyeed ku sameeyeen heeshiis nabada ee dhaliyarada Soomaaliyeed, maxalliga ay soomaalidu hoggaamineyso oo ay Soomaalidu leedahay oo ku saabsan qaraarka 2250 oo leh soo jeedimo wax ku ool ah iyo xalal maxalli ah si nabad waarta loogu soo dabaalo dalka,” ayuu yiri.

Isigoo hadalkiisa sii wata “Dhalinyarada ayaa  sidoo kale ku xujeeyay QM  iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya inay ku socdaan dadaallada muhiimka ah isla markaana abuuraan madal wadahadal.”

Farsamooyinkii Dhallinyrada Soomaaliyeed  

Farsamooyinkaasi waxay ahaayeen shirk waynihii sanadlaha ahaa ee Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, kaasoo madal siinayey dhalinyaro ku kala socday sooyaallo kala duwan, Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo qabiillada inay isu yimaadaan oo ay helaan meel ay ku mideysan yihiin; tan labaad, Golaha La-talinta Dhallinyarada ee Qaramada Midoobay, oo la aasaasay 2018, si loo siiyo kooxda QM ee ku sugan Soomaaliya talooyin la taaban karo oo ku salaysan waaya-aragnimada nololeed ee dhallinyarada; iyo, marka saddexaad, Guddiga Wadajirka ah ee Dhallinyarada Gaalkacayo, oo ah farsamada rasmi ah oo lagu fududeynayo ka-qaybgalka dhallinyarada ee geedi-socodka rasmiga ah nabadda Gaalkacayo.

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo furay shirka lagu dhisayo Guddiga Isku-xirka Hay’adaha u xilsaaran Maaraynta

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa furay shir lagu dhisayo Guddiga Isku-xirka Hay’adaha…

GudahaWararka
October 28, 2024

Wasiirka Dhalinyarada XFS: “Kacdoonka ka socda dalka waxaa qeyb weyn ku leh dhallinyarada ”

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Bare oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xoogga ugu…

Gudaha
January 20, 2023

Ciidamada Xoogga Dalka oo in ka badan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Degaanka Gal-labashiir, ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Ciidanka Xoogga Dalka waxay kooxda argagixisada Al-Shabaab uga dileen 15-maleeshiyaad ah oo…

GudahaWararka
May 28, 2021

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya dhameystirka Matalaada gobolka Banaadir

Muqdisho:(SONNA)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta dhameeystiri doona xeerka Matalaada gobolka Banaadir oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodaayeen. Intii ay…

Wararka
June 27, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023