Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: God gashaa ama Ari raacdaa, waa lagugu soo galay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > God gashaa ama Ari raacdaa, waa lagugu soo galay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

God gashaa ama Ari raacdaa, waa lagugu soo galay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 17, 2023
7 Min Read
Share

Ceelbuur waa magaalo kulansatay Qurux iyo hanaan wanaagsan marki aad eegto biyaha dur duraya ee dhex ceegaaga bartankeeda iyo jawiga u goonida ah oo ay leedahay, sidoo kale degmada Ceelbuur waxaa ku yaalo Xarunta ciidanka guutada 22 aad ee milatariga xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo xarada Caano Moog, Degmadaan waa magaalo qadiimi ah, soo jireenkeedaย  taariikh ahaan waxa ay ka badan tahay 900 sano.

Ceelbuur iyo Galhareeri waa magaalooyinka kaliya ee ka hor inta aan la xoreyn loo diyaariyay Gargaar ka kooban cunto iyo daawo, maamul iyo ciidamo amni iyo guddiyo wacyigelin. Waxaa muuqato in dowladu muhiimad gaar ah u leedahay degmooyinkaas oo kamid ah meeliha ay AS ku xooganaayeen sanadihii lasoo dhaafay.

โ€œAdeerkeey Mujaahid Xasan Sh Cumar Yaroow oo sideetan Jir ah waxa uu qoriga u sitaa in uu Khawaarijta suuliyo.Waxa uu fahamsan yahay in ay halis ku yihiin Diintiisa, Dadkiisa iyo Deegaankiisa. Khawaarij iyo Dadkeennu war iskuma hayaan. Ma waxay la tahay in ay Dadka heerkaas jooga ay uga adkaadaan dhulkooda oo inta ka suuliyaan ay iyagu u haraan!โ€, sidaasina waxaa yiri:- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala, mar uu Magaalada Baxdo uga qeybgalay bandhig ciidanka deegaanka oo ka qeyb noqonaya dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur oo ay garab taagan yihiin qaar ka mid ah Culimaaโ€™udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Wasaaradda iyo culimadu ay ka wada shaqeynayaan in la xoojiyo dagaalka dhinaca fikirka ah ee lagula jir kooxda Khawaajita ee dhaqamada diinta islaamka ka baxsan oo ku qaldaysa dadka caamada ah, si ay ugu dagaalamaan, wuxuuna xusay in culimadu ay si joogta ah u cadeynayso masโ€™alooyinka diiniga ah ee la xiriira dagaalka Khawaarijta, ย iyagoo dhinaca kale ka qeyb qaadanaya wacyigelinta bulshada iyo toosintooda oo ah shaqo ay mar walba u taagnaayeen culimada

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa dowladda Soomaaliyeed ku bogaadiyay inay mudnaanta koowaad ka dhigtay la dagaalanka Khawaarijta, taasoo ย suurad xumaysay diinta Islaamka, waana waajib si dadka Soomaaliyeed diintooda loo badbaadiyo. โ€œKhawaarijtu waxay qatar ku yihiin diinta, nafta, maalka, cibaabada iyo guud ahaan xasiloonida dalkeena, waa waajib diini ah in lala dagaalamoโ€ ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Culimaaโ€™udiinka Soomaaliyeed ayaaย  si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka Khawaarijta waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in loo midoobo oo la garab istaago dagaalka u ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Shiikha Naxamuud ee looga xoreynayo dalka Argagixisada.

Barnaamij gaar ah oo ka baxay Warbaahnta dowladda oo ay ka qaybgaleenย  Culimaโ€™udiinka ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay bayaaniyaan oo ay caddeyaan culimada xaqa iyagoo gudbinayay farriin ku aadan dagaalka loogu diyaar garoobayo in looga xoreyo qeybaha ay haraadiga ku yihiin Khawaarijta. โ€œKhawaarijtu waxay qatar ku yihiin diinta, nafta, maalka, cibaabada iyo guud ahaan xasiloonida dalkeenna, waa waajib diini ah in lala dagaalamoโ€ ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Dhankiisa Sheekh Soomoow oo ka mid ahaa culimadii ka qeybgashay ayaa yiri,โ€Khwaarijtu Dadkeena waxay u laayeen si aan kala sooc laheyn, Maanta waa in Shacabka Soomaaliyeed Madaxda Qaranka ku garab istaagaan iska Xoreynta khawaarijta, waxaan haysataan Hoggaamiye daacad ah ee u istaagay, waana in aan garabkiis noqona,waana in culimada Soomaaliyeed ay xaqa caddeyso waana waajib saaranโ€.

Sidoo kale Sheikh Cali Wajiis ayaa yiri โ€œShacabka Soomaaliyeed Waxaa Waajib ku ah inay Ajiibaan Jihaadka uu ku dhawaaqay naguna hoggaaminaayo Madaxweynaha Qaranka,waxay cadow ku yihiin dadka iyo diinta oo ay gaaleysiiyeen, waxay khatar galiyeen Amnigoodii iyo nabadgalyada, waxay baneysteen dadka xoolohooda iyo dhiiggooda,waa in la daldala oo jidka la dhigo dadka noocaas ah ee Khawaarijta ah, Ummadda waxaa waajib ku ah haddii xaakimka dalka ugu sarreeya u ku dhawaaqo in lagu jihaado cadawga ilaaheey iyo kan Ummadda waxaa waajib ah in aad ajiibtoโ€.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS Muqtaar Roobow Abuu Mansuur ooย ay garab taaganyihiin culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Wasaaradda iyo culimadu ay ka wada shaqeynayaan in la xoojiyo dagaalka dhinaca fikirka ah ee lagula jiro kooxda Khawaajita ee dhaqamada diinta islaamka ka baxsan ku qaldaysa dadka caamada ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dajisay Istiraatiijiyad ballaaran oo lagula dagaalamayo Khawaarijta, kaasi oo ka kooban dagaalka furimaha, dagaalka dhaqaalaha iyo dagaalka fikirka, iyadoo dhammaan dhinacyadaasi guulo wax ku ool ah laga sameeyey.

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood oo xalay shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgal shalay ka dhacay Aagga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud lagu dilay 30-dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan, wuxuuna intaasi raaciyay in ciidamadda dowladdu ay dagaal ku qaadeen deegaannada Ceelbacad iyo lix irdood oo hoos yimaada degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeeri, waxaana dagaalku uu ka dhacay Af-goobad oo khawaarijtu ku sugnaayeen, halkaasi oo looga dilay 30-dhagarqabe oo Khawaarijta ka tirsan.

Ciidamadda oo ka feejigan dhagarta Khawaarijta ayaa fashiliyay gaari qarax wada oo ay Argagixisadu dooneysay inay cutubyada ciidamadda dowladda ee dagaalka ku jira ku dhibaateeyaan, isagoo uu Afhayeenku xusay in sahan ay sameeyeen ciidamada sirdoonka Qaranka oo adeegsanada Aaladaha tiknoolajiyada in Shacabka ku nool deeggaanada shalay dagaalku ka dhacay inay fuliyeen amarka dowladda ee ahaa in laga fogaado goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda nafla caariga ah ee Argagixisadda, waxaana xogta sahanka lagu sheegay in shacabku geedi ka yihiin deeggaanada ay ku gambanayaan Argagxisadda. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda ayaa yiri โ€œ waad ku soo noqoneysan degmooyinkiinna idinka oo aanan la idinka qaadeynin xoolo baad ah, Sakawaad, lacag tabarucad ah iyo lacag jihaad, oo aan carruurtiinna qaraxyo lagu xireynin sidoo kalena aad xor tihiinโ€.

Dagaalkan ayaa bilow u ah Istiraatiijiyadda qorsheysan ee sifeynta goobaha dagaalka, waxaana uu ka socda afar jiho oo kala ah dhanka bari, dhanka koonfureed, Waqooyi iyo dhanka Galbeed. Ciidamadda Dowladda ayaa afartaasi jiho ka soo socda sida uu sheegay Afhayeenka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

RW Rooble oo la kulmay Ergayga gaarka ah ee Wasaraadda arimaha dibadda Qadar

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah eeย  wasiirka arrimaha dibadda…

GudahaWararka
May 2, 2021

Wasiirka arrimaha dibadda oo warqadahaย  danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee UKย 

Muqdisho (SONNA):-Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo…

GudahaWararka
May 10, 2023

Wasiirka Maaliyadda ee XFSย  oo kulan la yeeshay Ergayga gaarka ah ee QM Qaramada Soomaaliya

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan cige ayaa kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada…

GudahaWararka
March 24, 2024

Maxaa iska beddelay Dakhliga Dowladda Soomaaliya kaddib ololaha la dagaallanka Musuqa?

Muqdisho(SONNA):-Dabayaaqadii Abriil-2023 dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal ka dhan ah musuqa iyo boobka dakhliga dowladda ka soo gala ilaha…

GudahaWararka
July 15, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023