Muqdisho-(ASONNA)-Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banadir Dr; Cabdirahman Axmed Maxamuud ayaa la kulmay Agaasimaha Guud ee hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay in kor loo qaado wada shaqeeynta ka dhexeeysa waaxda caafimaadka gobolka iyo WHO.
Waxaa la isku afgartay in la hubiyo hufnaanta howlaha mashaariicda ee la xariira arrimaha caafimaadka.
Sidoo kale labada Agaasime ayaa isku raacay in laga wada shaqeeyo hubinta iyo tayada adeegga caafimadka Gobolka Banaadir.