Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda
    January 31, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 30, 2026
    Sarreeye Guuto Elio Manes oo si Rasmi ah u La Wareegay Taliska Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya
    January 30, 2026
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Go’aankii la mahdiyay ee joojinta qul-qulka hubka caasimadda (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Go’aankii la mahdiyay ee joojinta qul-qulka hubka caasimadda (Warbixin).
Maqaallada

Go’aankii la mahdiyay ee joojinta qul-qulka hubka caasimadda (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 21, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Muqdisho oo muddo badan maaro u la’ayd argagixiso iyo maleeshiyaad magac dila ayaa hadda u muuqata mid ka soo kabaneysa wixii maalmo hore tegay soo maray. Ka dib markii ay maanta u kaceen madax iyo ciidamo qaranku u gaar yeelay magaaladan si loo xaqiijiyo amnigeeda.

” Xukuumaddu qaraar waxay gaartay Baladka hubka lagu dhex wato in la xakameeyo, amni-darada aragtida ka mid ah, qofka inta uu arkaayo baabuur Dhashiiko ah oo toban wiil saaran tahay oo qoriga Dhashiikaha ku dhegan oo waddada Maka Al-mukarama dhex cararaayo,qofna laguma qancin karo magaaladan ammaan waaye,” ayuu yiri madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud.

Ciidamada amniga oo fulinaya amarka madaxweynaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu yareynayo hubka waa-weyn ee magaalada dhex yaaci jiray ka hor amarkaas, waxayna ciidamada xasillinta ee loo gaar yeelay magaaladan si joogta ah u hubiyaan dhaqan galkaย  go’aankaas.

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayaa wax weyn ku tilmaamay meel marinta sharciga xakameynta hubka, isagoo uga mahadceliyay madaxweynaha JFS iyo golaha wasiirada, wuxuuna ku tilmaamay mid xal loogu helay sugida amniga Muqdisho.

” Marka hore, waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha qaranka iyo golaha xukuumadda oo runtii xakameynta hubka meel mariyay uu madaxweynuhuna ku dhawaaqay naguna garabsiiyay, mushkilo ma jirin ilaa hub ayay ahayd, kantaroolada waa lagu marayay, shacabka Soomaaliyeed waddo gaari lagu furanayay lagu dilayay,ย  hubkaas in la soo saaro oo sharcigaas la meel mariyo wax weyn ayay inoo ahayd,”.

” Waxaa reeban in la qaato qoriga ama la isticmaalo gaadiidka uu ku rakiban yahay qoriga Dhashiikaha iyo qoryaha ka sii waa weyn, waxaa reeban in la isticmaalo qoryaha Baasuukaha dheh ama RBJ-ga in magaalada lagula dhex socdo oo lagula dhex laaf-yoodo oo madaxaa lagu ilaalinaa la dhaho ayaa reeban,waxaa kale oo reeban qoryaha daran-dooriga u dhaco oo BKM-ka ka mid yahay iyo wixii lanmid ah ayaa reeban,” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Col. Shuute.

Maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay xeerka xakameynta hubka iyo sida looga dareemay amniga caasimadda, wuxuuna si gaar ah u ammaanay ciidanka gaarkanah ee juhdiga ku bixiyay in caasimadda laga tir-tiro falalkii argagixisadu ka geysan jirtay iyo kooxihii kale ee qaswadayaasha ahaa.

Sidoo kale, shacabka magaalada Muqdisho ayaa dareemay neecowda nabadda,iyagoo ku bogaadiyay hay’adaha ammaanka sida hagar la’aanta ah ee mas’uuliyad isaga saareen sugida amniga.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda

Ankara(SONNA):-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan” Xoolaha dadka ka dhaxeeya ninka xadaya sida Khawaarijta ula dagaallameynaa” (Warbixin).

Muqdisho.(SONNA):- Dagaalka xooggan ee lagula jiro Khawaarijta waxaa bar-bar socda dagaal kale oo aan dadka u muuqan, balse Dowladda federaalka…

Maqaallada
July 3, 2023

Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May (warbixin)

Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horumarkiisaย  waa ย dhallinyarada oo aan looga maarmin difaaca ama ilaalinta dadka iyo…

GudahaMaqaallada
May 15, 2021

Talo loo dhan yahay ayaa lagu tanaadaa (warbixin)

Wadatashi waa nidaam aasaasi ah oo aan looga maarmin in la helo talo loo dhan yahay oo lagu dhiso maamul…

GudahaMaqaallada
May 30, 2021

12-ka April xuska maalinta qaran ee ciidanka Xoogga Dalka (warbixin)

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin ย munaasabado iyo xaflado qiimo gal…

GudahaMaqaallada
April 12, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023