Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Go’aankii Culimadda ee ku aaddanaa la dagaalanka khawaariijtu ku kordhiyey hawlgalada socda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Go’aankii Culimadda ee ku aaddanaa la dagaalanka khawaariijtu ku kordhiyey hawlgalada socda
MaqaalladaWararka

Go’aankii Culimadda ee ku aaddanaa la dagaalanka khawaariijtu ku kordhiyey hawlgalada socda

By SB
Last updated: February 6, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Dhowaan ayaa Muqdisho lagu soo gabo gabeeyey Shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo lagu gorfeynayey sidii loo ciribtiri lahaa fekerka gurracan ee xagjirnimada iyo waafajinta dowladnimada kaas oo ay baaqyo mideysan kasoo jeediyeen madaxda dowladda iyo Culimadii kasoo qeyb gashay kulanka,waxaynu qormadan diiradda ku saari doonaa doorka isbeddel ee shirkan ku keenay hawlgaladii ka socday dalka.

Guud mar kooban:

In ka badan mudo 15 sano ah waxa shacabka Soomaaliyeed dhibaato xooggan ku hayey kooxda arxanka daran ee khawaariijta oo kusoo duushay Diinta,dhaqan,maalka iyo sharafka ummada Soomaaliyeed,kooxda khawaariijta oo banaysatay dhiiga iyo maalka shacabka Soomaaliyeed iyagoo kusoo gabanaya Diinta Islaamka oo ah mid sharfan kana nasahan xumaan oo dhan.

Hadda ba tan iyo intii uu madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaariijta waxa door shariif ah oo bogaadin mudan ka qaatay Culimada Soomaaliyeed ee ku kala nool Guddaha Dalka iyo qurbaha,ugu horayn Culimadda dalka ayaa bilaabay kacdoon ka dhan ah kooxda khawaariijta iyagoo bulshadda Soomaaliyeed u bayaamiyey dulmiga iyo dhibaatada ay ku hayaan ummada Soomaaliyeed iyagoo sidoo kale culimadu bayaamiyey in kooxda Al-shabaab tahay koox aan diin shaqo ku lahayn oo khawaariij ah.

Culimadda Soomaaliyeed ee ku kala nool dalalka maraykanka,yurub iyo dalalka carabta ayaa iyaguna dhankooda soo saaray bayaan ay ku taageerayaan dagaalka lagula jiro kooxaha khawaariijta iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan dowladda diidaana xukunka baadilka ah ee kooxaha khawaariij oo gumaad ba’an ku hayey shacabka Soomaaliyeed mudo 15 sano ah.

Doorka isbeddelka dagaal ee ka dib shirweynihii culimadda Soomaaliyeed:

Hadda ba ka dib shirkii culimadda waxa isbeddel xoog leh oo dardar ku socda ku korodhay hawgalada lagu beegsanayo kooxaha khawaariijta ee arxanka daran kuwaas oo laga saaray deegaanno badan laga dilay horjoogayaal sar sare,waxa dhinaca kale xoogaystay dadweynaha Soomaaliyeed ee ka qayb qaadanaya hawlgalka lagu cirib tirayo kooxaha khawaariijta,culimada ayaa ku caddeeyey in qofkasta oo ku geeriyooda dagaalka khawaariijta uu yahay shihiid,sidoo kale culimadda ayaa caddeeyey in qof walba oo keena xogta khawaariijta uu helayo ajar.
Saraakiisha Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee dhowaan la wareegay degmada ceeldheer iyo deegaano hoos taga ayaa bogaadiyey bayaanka culimadda kornayl Yoonis oo qurbaha ka yimid ka dib bayaankii culimadda ayaa sheegay in uu so jihad tegay” waad og tihiin Culimada Soomaaliyeed waxa ay soo saareen fatwo,fatwadaas oo ah fatwo aan hore Soomaaliya uga dhicin,fatwadan waa fatwadii ugu qiimaha badnad ee ay soo jeediyaan culimada Soomaaliyeed,qof allaale iyo qofkii ka qayb qaataana maanta uu yahay qof jihaaday oo ku dhintay jihad xaq ah,wax aan ummada Soomaaliyeed ku boorinayaa in ay ka qayb qaataan jihaadka” ayuu yiri kornayl Yoonis.

Dhanka kale Bilish Axmed Carab waxa uu qoriga u qaatay ka dib markii ay kooxda khawaariijtu gawraceen walaakiisa Cabdiqaadir Axmed Carab” waxa ka mid ah dadka ehelka ii xiga Walaalkay Cabdiqaadir Axmed Carab waxay ka wateen degmada Ceeldheer waxayna ku khaarajiyeen Ceelbuur,” ayuu yiri Bilish oo ka mid ah geesiyaasha u guntaday inuu dalka ka xoreeyo khawariijta
Ciidanka qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa uga mahad celiyey culimadda bayaanka ay kasoo saareen kooxda khawaariijta iyagoo sidoo kalena ugu baaqay in ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka dalka looga xoraynayo kooxda khawaariijta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Qaahira-(SONNA)-𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐮 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒, 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐞 𝐈𝐥𝐲𝐚𝐚𝐬 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐮𝐛𝐚𝐤𝐚𝐫, 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐚𝐡𝐢𝐫𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐚𝐫 𝐤𝐮𝐥𝐚…

GudahaWararka
March 4, 2025

Soomaaliya oo door muhiim ah ka qaadatay doorashadda hoggaanka ururka Boosatadda aduunka

Dubai(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗠𝗘𝗗 𝗔𝗗𝗔𝗡 𝗠𝗔𝗖𝗔𝗟𝗟𝗜𝗠 (𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si rasmi…

GudahaWararka
September 19, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

Muqdisho.SONNA…1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi…

Gudaha
December 27, 2024

Safiirka J.F.S ee Masar oo la kulmay Wakiilka Wasaaradda Tacliinta Sarre ee dalkaasi

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar aya a kulan la…

Gudaha
July 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023