Muqdisho.(SONNA):- Taliyaha ciidamada lugta Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgal xalay ilaa maanta ka socday deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Generaal Biixi ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan Khawaarijta looga dilay in ka badan 70-maleeshiyo, tiro intaas ka badana looga dhaawacay.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka ay gacanta ku dhigeen deegaanka Baraagta hurdaaye oo 10-km u jirto deegaanka Caad oo maleeshiyaadkii iyo horjoogayaashii ku jabay howlgalka ay u carareen.
Ugu dambeyntii, Taliyaha ciidamada lugta Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa u mahadceliyay saaxiibada caalamiga oo ciidamada xoogga dalka ka taageeryay duqeymaha cirka oo Khawaarij badan lagu laayay.