Muqdisho (SONNA)-Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobalka Gedo waxaa laga dareemayaa xiligan diyaar garowga Todobaadka Xoriyadda dalka Oo habeenimada caawa ku beegan 26-ka June oo ah xiligii ugu horeeyay ee Calanka Soomaaliyeed laga tago Gobalada Waqooyi.
Xuska Munaasabadda 60-guurada dalka oo ah markii gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska ayaa caawa lagu qabanayaa meelo badan oo ka mid ah gobollada dalka, iyadoo maamulka Degmada Garbahaareey ay qorsheeyeen diyaar garow aad u xoogan oo ku aadan munaasabadaha todobaadka xoriyadda 26-ka June iyo 1-da July.
Sidoo kale Degmada BeladXaawo ee gobolka Gedo ayaa sidoo kale iyana ka socoto diyaar garow tan la mid ah oo ku aadan xuska todobaadka xoriyadda dalka.