Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Garnaqsi: xoriyadda saxaafadda iyo xaqiiqda hortaalla
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Garnaqsi: xoriyadda saxaafadda iyo xaqiiqda hortaalla
Wararka

Garnaqsi: xoriyadda saxaafadda iyo xaqiiqda hortaalla

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 2, 2020
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Marka hore iga guddooma salaan iyo tixgalin,marka xigtana qoramadaan kooban ayaan u arkay in ay malaha fiicnaanlahayd in aan soo bandhigo ka dib qiimayn aan ku salaysnayn aragti siyaasadeed balse salka ku haysa Xog-ogaalnimo iyo dhab ka hadal aan isleeyahay ameey tahay xilligii ku haboonaa.

Aragtidaan, waxeey isoo baxday ka dib markii aan dib ugu noqday xusuustayda 17 Sano oo aan ka mid ahay bahda saxaafadda iyo 11 Sano oo aan ka tirsanaa masuuliyiinta Wasaaradda ay hoos-tagaan Saxafiyiintu, isla markaana isku dayay bal in aan fahmo halka ay sartu ka qurunsantahay aniga oo aan u eexanaynin labada dhinac ee arintu dhextaalo oo kala ah,

1- Saxaafadda Madaxabanaan oo aan kusoo qaatay Lix Sano, Sideed jeer la ii xiray, mar la ii dhaawacay, labo marna la ii musaafuriyay isla markaana aan u hayo laxow balaaran una arko halka uu u dhamaanayo mustaqbalkaygu IA iyo

2- Dawladda oo ushaqaynayay 11 Sano oo aan xilliyo adag oo badan usoo maray, halis ugu bareeray, kuna waayay walaalo aan jeclahay sidaas awgeedna u arko mid aanay laโ€™aanteed jirikarin sharaf iyo karaamo uu sheegto Qof naga mid ah.

Codsi, aqriste fadlan adigoon wada aqrin goโ€™aan ha qaadan.

Ugu horayn, waxaan aaminsanahay in aanay Soomaaliya ka jirin Siyaasad Dawladeed oo aaminsan Mabdโ€™ahaan in la caburiyo Saxaafadda waana sababaynayaa, balse waxaa jira xaalado isdiidan una baahan isla qirasho iyo isla qaadasho iyana waa fasiridoonaa.

Soomaaliya kama jirto Siyaasad Caburisa Saxaafadda,

Aan sababeeyo in aanay Dalkeenna ka jirin Siyaasad caburineed inta aan ogahay oo ku siman mudada aan ushaqaynayay Dawladda ee kor ku cayiman.

Waxaan udaliishanayaa, mudadaas 11-ka Sano ah oo aan ka mid ah masuuliyiinta talada ku lahaa arrimaha Saxaafadda ee Wasaaradda, Midkoodna kama maqal, nama farin, talana nooguma soo jeedin in la caburiyo Saxafi ama Warbaahin 15 Wasiir oo Wasaaradda soomaray, Sideed Raโ€™iisulwasaare iyo Sadex Madaxwayne oo aan lasoo shaqeeyay anigoo u hadlaya si ka fog wax qarin waa haddii aad I rumaysanayso, marka taasi waxeey si niyad ah iigu qancisay in aanay jirin Siyaasad Dawldeed oo caburin ah, balse waxaa jira xaalado isdiidan oo ubaahan in aan garwaaqsano si aan mushkulada u fahamno xalinteeda ka hor.

Waa maxeey xaaladahaasi?

marka aad joogto Soomaaliyada Qarniga 21-aad, waxaa jira labo arrimood oo Sal u ah shaqada Dawladkasta oo nasoo martay mudadii 20-kii Sano ahayd dib udhiska Dawladnimada Soomaaliya, sidoo kale waxaa jira masuuliyad Xirfadeed oo saaran Saxafiyiinta Madaxa Banaan ee isla mudada kor ku qoran iyana soo Hana qaaday, kuwaas oo midba mid ku yahay halis haddii aan lahelin Bisayl ku dhisan aqoon iyo kala garqaadasho oo inaga oo isla ogol aan ku maarayno.

Maxeey udirantahay Dawladdu?

Dawladkasta waxaa laga sugayay walina laga sugayaa in ay xaliso labo arrimood oo kala ah,

1- in ay soo celiso Amniga Dal ay ka burbureen waxkasta oo loo kaashado nabadgalyada dadkiisuna leeyihiin boogo halis ah haddii la danqiyo.

2- in ay isku hayso Dawladnimada kabkabka ah ee ka kooban qabaail aan is ogolayn oo kala shakisan una baahan in aanay kala xarig furan taas oo ah wax ku dhicikara si aad usahlan, waana in ay gudataa xilkaas iyadoo isha ku haysa halis kasta oo ku imaankarta.

Muxuu udiranyahay Saxafigu?

Dhanka kale, Saxafikasta, wuxuu udiranyahay in uu soo bandhigo xogta ugu xasaasisan ugana xiisaha badan isaga oo aan eegaynin saamaynta ay ku yeelankarto shaqada aan kor ku xusay.

Sida caqligu na tusayo, isma jeclaankaraan, Askariga udiran Amnigaas jilicsan ee doonayo in uu daboolo halka uu ka nugulyahay isagoo waliba ay haystaan duruufo aad uqalafsan oo ciriiri galinaya iyo Saxafiga ugaarsanaya halka ay biya daynayso Shaqada Askarigaas, isagoo wajahaya caqabado la mid ah kuwa haysta Askariga.

Si la mid ah, caqligu wuxuu na tusayaa in aanay is jeclaankarin Masuulka Loo dhiibay Dawlad ka kooban Qabaail kala boodsan loogana fadhiyo in aanay kala tagin inta loo dhiibay isla markaana wax ku daro intii loo dhiibay, iyo Saxafiga raadsanaya halka ay ka daloosho shaqada Masuulkaas, isagoo aan eegaynin xitaa haddii baahintiisu keenayso in ay kala furmaan xargaha Dawladeed ee aan dhuuqsanayn.

Maxeey tahay ciladdu?

Fahamkayga gaaban kuna qotoma sharaxaadda kore, halka ay sartu ka qurunsantahay waa jiritaanka Xaaladaha aan soo xusay ee aan midba mid gacansiinaynin oo ay dheertahay in ay meesha ka maqantahay Shuruuc kala xadaysa dhinacyada iyo garnaqsi dhab ah oo noo horseeda in aan isla garano boogta ka dibna dawadii si wada jir ah uraadino

Xalku waa maxeey?

Shaqsiyan, waxaan arkaa dhawr talaabo oo lagama maarmaan ah,

1โ€“ horta cudur aan lagaran lama daweeyee waa muhiim in aan isla garanayo halka aan ka jiranahay.

2- waa in aan helnaa wax qoran ( Sharci ) kala xadeeya dhinacyada kaas oo ku salaysan duruufaha iyo danaha guud.

3- waa in aan ku qanacnaa in xalku ku jiro dhexdiina fariimaheenuna noqdaan kuwa innaga nagu socda isla markaana xaldoon ah.

4- waa in aan ka dheeraanaa dano kasta oo ku salaysan macaash ka raadin mushkulad taagan, isla markaana gardhaqsigu dhexmaro saamilayda saxda ee arinku taabanayo.

FG: Qormadaani waa aragtidayda shaqsiga ah.

Wixii aan saxay alle xagii ayay ka ahaadeen wixii aan qaldayna naf iyo shaydaan.

Mahadsanidiin.

Maqaalkan waxaa qoray Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf(Alcadaala) agaasimaha guud ee wasaaradsa Warfaafinta XFS

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliye kuxigeenka Boliiska oo ka qeyb galayย Shirka Booliiska dalalka urur-goboleedka EAPCCO

Muqdisho(SONNA):-Wafdiga uu hoggaaminayay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), una wehliyo Taliyaha Hoggaanka Interpol, Sareeye…

GudahaWararka
May 6, 2025

Wasiirkii Arimaha dibadda Suuriya oo geeriyooday

Dimishiq-(SONNA)- Wakaalada wararka ee Suuriya SANA ayaa Subaxnimadii hore ee Saakay xaqiijisay geerida Wasiirkii arimaha dibadda iyo Qurba joogta ee…

CaalamkaGudahaWararka
November 16, 2020

ย Qarax haleelay Markab shidaal oo laga leeyahay Iiraan ย 

Markab shiidaal oo watay calanka dalka Iiraan ayaa lagu waramay in uu manta dab ku qabsaday meel ku dhow biyaha…

CaalamkaWararka
October 11, 2019

Guddoomiyaha aqalka sare oo qaabilay Feeryahanad Ramla Cali

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka…

GudahaWararka
September 24, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023