Hiiraan(SONNA);-Gargaar biyo-dhaamin ah ayaa loo sameeyay bulshada ku dhaqan deegaannada hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo si weyn ay u saameysay abaarta ka jirta dalka.
Boqolaal qoys oo ay abaartu saameysay, kuna nool deegaanno u dhow Halgan, ayaa ka faa’iideystay biyo-dhaamintan, taas oo uu bixiyay Xildhibaan C/naasir Xaaji Shirwac.
Bulshada iyo maamulka degmada Halgan ayaa uga mahadceliyay xildhibaanka Gargaarka biyaha dhaaminta ah ee la soo gaarsiiyay qoysaskan la daalaa dhacayay abaarta ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
Qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka waxaa ka jira abaar daran oo saameysay dad iyo duunyo, waxaana weli socda dadaallo gurmad ah oo loogu gargaarayo shacabka ay abaartu saameysay.