Xarardheere-(SONNA)-Aadan Macalin Cali Yarow oo ka soo goostay Khawaarijta ku dhuumaaleysata koonfurta gobolka Mudug ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Ninkaan ayaa iska soo dhiibay deegaanka Baraag-Garguurte oo hoostaga Xarardheere, waxaana lagu soo dhaweeyey gacmo furan, sida ay noo sheegeen saraakiisha gacanta ku heysa.
Aadan ayaa sheegay inuu u adkeysa waayey nolosha adag ee duurka ku heysata Khawaarijta iyo howlgallada socda ee ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay Mudug ka wadaan.
Maleeshiyaadka naf la caariga ah ee khawaarijta oo haatan wajahaya nolol tii ugu darneed ayaa midba maalin ka soo cararayaa duurka ย kadib marka uu adkeysan waayo duulaanka joogtada ee ciidanka Qaranka iyo ciiamada deegaanka taas oo keentay in laga fara maroojiyo deeggaano badan oo ay shacabka ku xakaariyeen sanado laakiin haatan harsanaya harka dowladda.