Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Finland oo lagu soo rogayo xayiraado cusub kiisaska Corona Virus oo kordhay awgeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Finland oo lagu soo rogayo xayiraado cusub kiisaska Corona Virus oo kordhay awgeed
Wararka

Finland oo lagu soo rogayo xayiraado cusub kiisaska Corona Virus oo kordhay awgeed

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 21, 2020
4 Min Read
Share

Helsinki (SONNA)- Magaalooyinka Helsinki, Espoo iyo Vantaa iyo hareeraheeda oo kamid ah Dalka Finland ayaa la go’aamiyay xadaymo cusub laga bilaabo 23.11.2020 waxaana ay socon doonaantaa mudo saddex toddobaad ah, taasoo ay ujeedadeedu tahay sidii lagu joojin lahaa faafista feyruska corona.

Midka ugu weyn xadaymahaas cusub ee la soo rogay waa, in kulamada guud ee gudaha lagu qabanaayo ama la isugu imaanaayo aanay ka badnaan karin 20 qof. Taa macnaheedu waa in munaasabadaha isboortiga iyo xafladaha kale sida riwaayadaha, aan la qaban karin mudadaas saddexda toddobaad ah ee soo socota, iyadoo intaa kahorna ay howlwadeennada dowladdu arrinka qiimeyn ku sameyn doonaan.

Munsaabadaha gaarka ah ee dadku ay yeelanayaan sida xafladaha dhalashada, kuwa ardeyda, kuwa qoysaska iyo qaraabada sida aroosyada iyo xafladaha diimaha, 10 qof ka badan la isuguma imaan karo.

Dadka waaweyn waxaa khasab ku noqoneysa in ay joojiyaan hiwaayadihii ay aadi jireen, waayo howlaha isboortiga kala duwan ee lagu qabanaayay hoolalka gudaha ah waa la joojiyay. Tusaale ahaan dadka waaweyn ma aadi karaan saddexda toddobaad ee soo socoda hoolalka isboortiga ee magaalooyinka ee lagu ciyaaro ciyaaraha kala duwan. Wixii ka yar 20 sano jir way sii wadan karaan hiwaayadahooda.

Dugsiyada dhexe waxaa isniinta laga bilaabo loo soo jeedinayaa in ay qaataan af-shareerka.

Dugsiyada sare iyo macaahidda muddo dheer ayaa laga isticmaalayay af-shareerka, ardayda iskuulladaasna hadda inta badan waxaa ay waxbarashada ku qaadan doonaan guriga, iyadoo ardayda qaarkood mar la gelin doono waxbarashada dhanka internetka ee guriga, qaarna ay iskuulka ku qaadan doonaan.

Inta ugu badan xadaymaha cusub ee la soo rogay wax saameyn ah kuma yeelanayaan caruurta dhigata dugsiyada hoose. Carruurtaas dugsiyada hoose lagama rabo in ay af-shareerka qaataan, iskuulkana lagama xiraayo sidii dhacday gu’gii la soo dhaafay, ee caadi ayay u wadanayaan. Xafladdii xornimada dalka ee sannad walba loogu yeeri jiray ardayda fasalka afaraad ee iskuullada dalka, sannadkaan waxaa loo beddelay dhanka internetka, oo qaab firjiwaal ahaan ah ayay u dhici doontaa.

Goobaha guud ee la isugu yimaado, hoolalka dabaasha waxaa la xadeynayaa cadadka ama tirada inta qof ee imaan karta hoolka, khaanadaha dharka la gashadana kalabar waa la xiri doonaa. Maktabadahana waxaa la yarayn doonaa hoolalka wax lagu akhristo.

Xadaymahaan cusub waxaa loo qaatay, sababtoo ah cudurka safmarka ah ayaa caasimadda iyo hareeraheeda wuxuu galay heerkii saddexaad ee faafista. Wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ayaa bishii sagaalaad waxaa ay go’aamisay in cudurkaan safmarka heerarkiisa loo qaybiyo saddex qeybood, kuwaaso kala ah heerka
asaasiga ah, heerka karaar qaadashada iyo heerka faafista.

Heerka faafista ayaa ah kan ugu daran, waxaana macnaheedu yahay in tirada csub ee faafista feyruska ay si xoog leh kor ugu socoto. Xadaymaha haatan la soo rogay oo soconaaya saddexda toddobaad ee soo socota, haddana waxaa lagu sii kordhin karaa saddex toddobaad oo kale, haddii faafsita feyrusku ay hoos u soo dhici weyso.

Nadifo Ali Shador
Helsinki – Finland

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mas’uuliyiin katirsan dowladda oo ka qeyb galay Salaada Janaasada (AUN) askartii lagu dilay degmada Ceelbaraf

Baledweyne(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Daahir Shire Maxamed ,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ,Taliyaha Hay'adda…

GudahaWararka
January 5, 2025

Guddoomiyaha aqalka sare oo ka qaybgalay fadhiga aqalka sare ee Ruushka

Moscow (SONNA): Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo wali ku sugan…

GudahaWararka
June 4, 2025

Munaasabad lagu maamuusayay halyeeyadii ku shahiiday dagaalka Khawaarijta oo lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka

Muqdisho.(SONNA):- Munaasabad lagu maamuusayay xaasaska, carruurta iyo qoysaskii ay ka shahiideen halyeeyadii ka tirsanaa Ciidamada Qalabka Sida ee ku geeriyooday…

GudahaWararka
March 8, 2023

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka macaamilka Danabeysan

Muqdisho-Soomaaliy 03, October, 2025: Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad…

GudahaWararka
November 3, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023