Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland, Pekka Haavisto ayaa sheegay in ay dowladiisu ay diyaar u tahay in Soomaaliya laga cirib tiro khawaarijta, si nabad-gelyo looga sameeyo dalka Soomaaliya ee barwaaqo-sooranka ah.
โPekka Haavisto “Waxaan diyaar u nahay in la ciribtiro Khawaarijta, si nabad-geliyo looga sameeyo dalkaan Soomaaliya ee barwaaqo-sooranka ah”.
Wasiirka oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladdiiu ay qeyb ka tahay taageerada iyo tababaridda Ciidanka Soomaaliyeed iyo arrimaha xasilinta amniga, wuxuuna intaa ku daray inay muhiim tahay deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo meelaha harsan in laga hirgeliyo adeegyo aas-aasi ah, sida wax barashada, caafimaadka iyo kuwo kale oo muhiim ah, waanan ka qeyb qaadan doonnaa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland, Pekka Haavisto ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin falalka burcadnimo ee khawaarijta u geysanayaan bulshada, dhaca hantida dadka, sida ganacsatada, kuwa muruqmaalka ah iyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed, wuxuuna ballan qaaday in door wacan ka qaadan doonaan olole kasta oo ka dhan ah falalka gurracan ee argagixisada ay ka dhex geysanayaan bulshada.