Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Filimkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Dalka Shiinaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Filimkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Dalka Shiinaha
GudahaWararka

Filimkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Dalka Shiinaha

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 15, 2025
3 Min Read
Share

Changsha,(SONNA):- Magaalada Changsha ee dalka Shiinaha waxaa lagu qabtay dhacdo taariikhi ah oo farxad iyo xusuus gaar ah u leh dadka Soomaaliyeed, kadib markii markii ugu horreysay filim Soomaali ah si rasmi ah looga daawado tiyaatar ka mid ah kuwa ugu waa weyn ee Shiinaha.

Filimka la daawaday wuxuu ahaa The Gravedigger’s Wife oo uu sameeyay Khadar Aydarus Ahmed, waana filim xambaarsan sheeko jacayl, sabir iyo naf-hurnimo ah, oo si qiiro leh uga hadlaya nolosha qoys Soomaaliyeed oo la tacaalaya duruufo adag. Filimkan ayaa qeyb ka ahaa barnaamijka Todobaadka Filimada Afrika iyo Shiinaha oo sanadkan lagu qabtay magaalada Changsha.

Bandhigga ayaa noqday mid si weyn loogu dheg taagay, iyadoo hoolka tiyaatarka uu ka buuxsamay daawadayaal Shiine ah, gaar ahaan dhalinyaro, kuwaasoo si kal iyo laab ah ula socday filimka oo af-Soomaali ku baxayay. Dadkii daawanayay waxay muujiyeen faham iyo xiise dhab ah oo ay u qabaan dhaqanka Soomaaliyeed iyo sheekooyinka nolosha dhabta ah ee laga soo tebiyo Bariga Afrika.

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa door muuqda ka qaadatay hirgelinta iyo fududeynta in filimkani, iyo laba filim oo Soomali ah oo kale, The Night Thief, iyo Will My Parents Come to See Me, ay ka mid noqdeen bandhigga, waxaana munaasabadda si rasmi ah uga qeyb gashay Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, oo si kalgacal leh ula qabsatay daawadayaasha, kana jawaabtay su’aalo ay weydiinayeen kadib daawashada filimka.

Danjiraha ayaa sidoo kale u mahadcelisay guddiga qabanqaabada China-Africa Film Week iyo Abdirahman Fiili, kaasoo dadaal weyn geliyay in filimada Soomaaliyeed la gaarsiiyo tiyaatarada Shiinaha, una arkay fursad muhiim ah oo lagu kobcinayo xiriirka labada dal ee dhinaca dhaqanka.

“Waa maalin aan ilaawi doonin. Markaan arkay dhalinyaro Shiine ah oo dhegaysana afkeenna una ilmaynaya sheeko Soomaali ah, waxaan dareemay in dhaqanka iyo filimku uu yahay buundo dhab ah oo dalal kala fog isku keeni kara,” ayay tiri Danjire Hodan.

Safaaradda ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageeridda dadaallada noocan oo kale ah si dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed loogu soo bandhigo meelo ka baxsan xuduudaha dalka, ayna sare u qaaddo is-fahamka iyo xiriirka bulsho ee Shiinaha iyo Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka wada tashiga oo maanta ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (SONNA)-Shir wata tashi Qaran ah oo uu iclaamiyay Madaxweynaha dalka mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta…

GudahaWararka
July 12, 2023

Guddiga Qaran ee maalmaha Xoriyadda oo Muqdisho ku shiray

Muqdisho(SONNA):-Quddiga Qaran ee Qabanqaabada Dabaaldagayada Toddobaadka Xorriyadda Soomaaliya oo Caawa Kulan ku Yeeshay Magaalada Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka…

GudahaWararka
June 24, 2024

Wafuud ka socda Warbaahinta Dalalka Islaamka oo kaqeybgalay tababar ka furmay Masar

Wasiirka Awqaafka Dalka Masar Mudane Mukhtaar Maxamed Juma ayaa  tababar u furay wafuud ka kala socotay warbaahinta Dalalka Islaamka oo…

Gudaha
March 10, 2023

Maareeyaha hay’adda duulista Rayidka oo kormeeray garoonka diyaaradaha Jowhar

Muqdisho (SONNA): Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayid Soomaaliyeed mudane Axmed Macalin Xasan ayaa maanta safar kormeer ah ku tegay garoomada diyaaradaha…

GudahaWararka
November 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023