Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay sanadkii 12 aad ee uu u shaqeynayo bulshada
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Fataha Webiyada iyo Daadadka oo saameyn weyn yeeshay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Fataha Webiyada iyo Daadadka oo saameyn weyn yeeshay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Fataha Webiyada iyo Daadadka oo saameyn weyn yeeshay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 8, 2023
7 Min Read
Share

Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd ee sameeyo muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys ay ka barakacaan guryahooda, waxaa jira saameyn ka dhalatay fatahaadda Webiga iyo Roobabkii cuslaa ee daโ€™ayay maalmahan, waxaa gabaabsi ah helitaanka Cunnada, Daawada iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha, iyadoo ay xiran yihiin dhammaan Waddooyinkii soo galayay magaalada Baardheere iyo deegaannada ku xeeran.

Tuulooyinka ugu daran ee dadkii degganaa una badnaa Beeraley ayaa ka barakacay, waxayna kala yihiin:-ย ย  Shimbiroole, Beel la ooday, Hureenaa, Lebi ooman, Dhakaajo, Xagar buulle, Mugdiile, Buulo caddey, Bullo Asharaaf, Beladul Amiin, Xagar gandooble, Baciidley, Bulsho, Lebi cad, Dhoobley,Tawakal, Bilisyar iyo kuwa kale, waxaana lagu soo waramayaa in ku dhowaad todobaad istaagay dadka, Gaadiidka iyo Xoolaha isaga oo ย kala gooshayay degmada Baardheere iyo deegaannada hoos taga, waxaanay biyaha la tageen dalagyadii soo goโ€™ayay, iyadoo 11 ka mid ah 12-ka xaafadood ee Baardheere ayaa laga barakacay, waxana xirmay dhammaan goobihii ganacsi ee magaalada, mana jiraan wax gurmad ah oo gaaray halkaasi.

Daadadka ka dhashay Roob xooggan iyo fatahaadda webiyada dalka ayaa saameeyay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah Degmooyinka uu aadka u saameeyay Daadadkaasi Degmooyinka Luuq, Dooloow, Cel-waaq oo ka tirsan Gobolka Gedo, ย waxaan laga cabsi qabaa in ay gaaraan degmooyin iyo tuulooyin kale, waxaana lagu soo waramayaa in Dadka qaar ay ugu sii daran tahay in โ€œDadku meel ay wax ku karsadaan ay la’ yihiinโ€.

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Webiga Jubba maro ayaa ku fatahay waxaana ka mid ah Degmooyinka Luuq iyo Doolow, fatahaada ayaa bilaabatay dhawaan, balse waxaa la soo sheegayaa inay marba marka ka sii dambeysa ay ka sii darayaan, waxayna wararku sheegaya in Biyaha Webiga oo dacalada jabsaday ay galeen Xaafadaha labada degmo, halkaasoo ay ka geysteen khasaare kala duwan, Sidoo kale, biyo aad u fara badan oo ka yimid Webiga ayaa cagta mariyay Beero badan oo ku yaallay labadaasi Degmo, kuwaasoo ay ku yaaleen dalagyo kala duwan oo khasaare xoogan uu soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro Barakac ballaaran oo boqolaal qoys oo ku nool xaafadaha degmooyinka Luuq iyo Doolow, kuwaasoo aan garaneyn meel hoy ka dhigtaan, iyadoo biyaha Webiga ay dhinac walba ka yimaadeen, Degmada Baardheere oo ka tirsan isla gobolka Gedo ayaa sidoo kale maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn ugu fatahay Webiga Jubba, halkaasoo uu ka geystay barakac ballaaran iyo khasaarooyin kale.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa gurmad u sameeyay bulshada rayidka ah ee ay saameeyeen Roobabkii ka daโ€™ay magaalada Baydhabo. Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga daka Soomaaliyed Jeneral Xasan Isxaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa hogaaminayay saraakiisha howshan badbaadada ah fulisay, waxaana garab istaag loogu sameyay Qoysas ay saameyn ku yeesheen Roobabkii dhawaan da daโ€™ay magaalada Baydhabo, iyadoo xaafadaha magaalada Baydhabo dadka qaar looga soo saaray gawaarida waaweyn ee Militariga.

Roobabkaan ayaa si xooggan uga daโ€™ay Koofurta iyo Bartamaha dalka gaar ahaan Dowlad Goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, sidaasi awgeed ayay War-saxaafadeed ka soo saaratay Heyโ€™adda maaraynta musiibooyinka, taasi oo ku sheegtay in bilowgii bishii Oktoobar 2023-ka, guud ahaan dalka ay ka curteen Roobka ย xilliga Deyrta, inta badan Roobka ayaa si xooggan uga daโ€™ay gobolada qaar ee dalka. Roobkaan ayaa geystay khasaaro baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal, wuxuuna sababay in inta badan magaalooyinka goโ€™doomaan, halka kuwa kalena Waddooyinka ka xermaan, taasi oo saameysay isku socodka xaafadaha iyo goobaha dadweynaha. Khasaaraha ayaa isugu jira dhimasho, Barakac iyo bur-bur hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay, tirada dadka fatahaadaha ay saameeyeen waa sida soo socota:- Tirada saameynta tooska ah ku yeelatay 850,000 qof, ย halka Dhimashada guud ay tahay 29 qof, Dadka ku barakacay ayaa iyana lagu sheegay 305,000 qof. Si gaar ah, xaalad adag ayaa ka jirta labada maamul-goboleed ee kala ah Jubaland iyo Koonfur galbeed gaar ahaan gobollada kala ah: Gedo, Baay iyo Bakool oo ay dad ku dhinteen kuwa badana ay ku barakaceen, isla markaana ay ku hanti beeleen.

Mar ay ka hadleysay dhinaca GURMADKA HEYโ€™ADA MAAREYNTA MASIIBOOYINKAย  ayay sheegtay in Hayโ€™adda maareynta musiiboyinka qaranka oo ka jawaabeysa fatahaadaha ka dhacay dalka qeybihiisa kala duwan ayay maanta si deg deg ah u diyaarisay agabyo kala duwan, kuwaasoo isugu jira Rashiin la gaarsiiyay in ka badan sedex boqol oo qoys.

Sida oo kale waxa ey hayโ€™adda SoDMA gaarsiisay hal Doon iyo laba Matoor magalada Luuq, iyada oo kaashaneysa Qaramada Midoobe, kuwaasoo lagu badbaadinayo dadka ay ku goโ€™doonsan musiibada daadadka . Hayโ€™addu waxaa kaloo ay diyaarisay daawooyin lagaga hortagayo cudurada ka dhasha biyaha.

Wara-saxaafadeedka ka soo baxay Heyโ€™adda Maareynta Misiibooyinka Qaranka ayay waxay ku soo jeedisay BAAQ, kaasi oo u qornaa sidan:- โ€œWaxaan baaq u diraynaa shacabka Soomaliyeed, Ganacsatada, Culimada, Dowlada Federalka Somaliya iyo Hayโ€™addaha aan dowliga ahayn ee ku howlan arrimaha bini-aadanimada in ay dar-dar galiyaan gurmadka iyo taageeradooda ku aadan xaaladan adag ee ay bulshada Soomaaliyeed ay xiligan wajahayso. Sida aan la socono xiligan Deyrtu, wali waa bilow, waxayna saadaashu sheegeysaa in ay xaaladdu ka sii dari-doonto sida ay hadda tahay, Haddaba waxaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan ugu baaqaynaa in ay ka feejignaadaan wax kasta oo khatar galin kara naftooda iyo Maalkoodaโ€.

Waxay Heyโ€™addu ugu dambeyntii soo jeedineysaa โ€œWaxaa bulshada Soomaaliyeed aan u soo jeedinaynaa in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha digniinaha ah ee ka soo baxaya Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka iyo Hayโ€™addaha kale ee Dowlada iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya arrimaha ka hortaga musiibooyinka dalka ka dhacaโ€.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay sanadkii 12 aad ee uu u shaqeynayo bulshada

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Dhagax-Dhigay Dhismaha Wasaaradaha Amniga iyo Cadaaladda

Baydhabo(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Dhagax-Dhigay Dhismaha Wasaaradaha Amniga iyo Cadaaladda. Munaasabada Dhagax-Dhiga…

GudahaWararka
April 29, 2024

Kenya oo lagu soo gabagabeeyay shirka hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee Barnaamujka deyn-cafinta Soomaaliya

Nairobi((SONNA):-Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo gabagabeeyay shirka hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee Barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya, oo labadii toddobaad…

GudahaWararka
September 21, 2023

Tiro Al-Shababab ah oo saaka lagu dilay ย deegaanka Baxdo

ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa iska caabiyay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Baxdo, halkaasi oo ay ku…

Gudaha
January 7, 2023

Soomaaliya iyo Turkiga oo is-dhaafsanaya qibradaha dhanka warfaafinta

Ankara-(SONNA)-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) ayaa gaaray magaalada…

GudahaWararka
May 22, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023