Inta aan u guda galin dulucda Warbixinta aan yara jaleecnno taariikhda Degmada Baardheere, Magaalada Baardheere waa magaalo aad u fac weyn waxay oo ku taal koonfurta gobolka Jubbada sare ama loo yaqaan Gobolka Gedo. Magaalada Baardheere waxay ka mid tahay magaalooyinkii Soomaaliya ugu horreeyey uguna faca weyn oo laga aas aasay meel ka fog xeebta koonfureed ee dalka Soomaaliya. Baardheere waxay u jirtaa xeebta Baraawe masaafo qiyaastii dhan 250 km. Juqraafi ahaan, Baardheere waxa u dhow Dhul baraha oo u qeybiyo dunida waqooyi iyo koonfur. Cimiladeeda Baardheere waa mid diiramad ah, taas oo u sahlineysa in sanadka oo idil beeraha laga faa’ideysan karo marka la istimaalayo waraabka beeraha.
Waxa magaalada Baardheere laga dhisi rabay biyo xireen aad weyn loona yaqaanay Markabley, oo gabo-gabo ku sugnaa ka hor inta aysan burburin dowladdii dhexe mashruucii biyo xireenka Markabley, kaa soo ahaa mid dowladdii dhexe ay rabtay in karonto laga dhaliyo, kadibna loo qeybiyo dhammaan gobolada dalka iyo wadamada deriska sida Kenya iyo Ethiopia.
Baardheere waxay ku jirtey magaalooyinkii istaraajiiga ahaa ee uu gumeystaha Ingriiska iyo talayaaniga saldhigyada ka dhigtey. Qarnigii 19aad ilaa bartimihii qarnigii 20aad ee tagey ayuu gumeystaha marba si u degenaa magaalada Baardheere. Waxaa taariikhda ku cad in taariikhda Miilaadiyada 1890 ilaa 1960kii ay waddamo badan oo Afrikaan ah ay gumeysi gacantii ku jireen iyadoo qoraalo badan oo xusayo dhacdooyin taariikh leh ay ka dhaceen Bardhere.
Waxaa jirta sida aan la wada soconno in Degmada Baardheere uu ku dhuftay Roobab watay Daadad, marna laga dareemay sida wax u eg dhul go’, waxayna khasaare ka soo gaartay Bulshada ku dhaqan halkaasi, xitaa waxaa jira in Daadadku ay qaadeen Xoolihii ay dhaqanayeen, sidaasi awgeed waxaa loo istaagay sidii loo caawin lahaa Dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa dhawaan gaaray Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo maalmo ka hor uu ku fatahay wabiga Jubba, kadib Roob xooggan oo halkaas ka da’ay , taas oo ay ku geeriyoodeen ilaa 7-ruux halka Maalmo ka horreeyey daadad ka dhashay roob mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay ay ku dhinteen 13 qof, taas oo dhimashada ka dhigaysa 20 qof, halka dadka dhawacyada ay halkaas ka soo gareen daadadka iyo fatahadaas ay marayaan ilaa laba qof oo rayid ah.
Guddoomiye Maxamuud Macalin waxaa socdaalkan ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Waxbarashada XFS, Ahmed Cismaan,Sanatar Abdullaahi Sheikh Ismaacil fartaag,waxaana hay’adda maareynta degmadaas geysay laba diyaarad oo wadda shixnad Gargaar ah oo iskugu jira raashin, dhar iyo daawo.
Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay musiibooyinkii is xig-xigay ee ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxayna sheegeen in laba diyaaradood oo sida gargaar isugu jira dawo iyo cuno ah oo ay iska kaashadeen Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ay gaarsiinayaan Magaalada Baardheere, si loo gacan siiyo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen, waxayna baaq u direen Heyadaha Caalamiga ee ka shaqeeya arrimaha Bini’aadannimada.
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden oo gabagabadii ka hadlay dhibaatada ka dhacday Magaalada Baardheere ka hadlay ayaa baaq u diray guud ahaan Dadka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto Togga Baraxleey ee ku soo rogmaday Daadku Degmada Baardheere, kaasi ay Dad badan waxyeello ka soo gaartay, wuxuuna xusay in xoogaa kaalmo ah la gaarsiiyay, in kale la filaayo in ay dhawaan la gaarsiiyo.
Sidoo kale, maamulka Jubbaland ayaa baaq ka soo saaray xaaladda bani’aadannimo ee ka jira Baardheere, waxaa ilaa iyo hadda la gaarsiiyay Magaaladaasi Raashin iyo Daawo balse waxay masuliyiinta sheegeen in laga filaayo dhawaan inay halkasi gaaraan waxyaabo intaasi ka badan, waxaana ku soo biiraya Heyadda Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmada Biniaadannimada iyo tan Caafimaadka Adduunka (WHO), ugu dambeyntii waxay sheegeen inay u mahadcelinayaan cid kasta oo gacan ka geysata howsha gurmadka Dadka Baardheere oo ay mussiibo Rabbaani ah ay ku dhufatay
Ganacsade lagu magacaabo Aaden Faarax oo ka mid ah Ganacsatada Deegaanka ayaa sheegay in bakhaaradii Raashin iyo waxyaabaha la cabo ay noqdeen kuwo Daadku qaado iyo kuwa qoyay, “marka waxaa Degmada soo foodsaaraya xaalad cunno xumo iyo Hoy la’aan, waxaa kaloo jira in Gawaari badan ay iyaguna ku xayiran yihiin Buundada go’day korkeeda iyo Daafaha Degmada”, wuxuuna codasaday in si dhaqsi leh dib u dhis loogu sameeyo Buundada Baardheere iyo Biyo xireenadii kaleba, si uu u bolowdao habsami u socodka Dadka iyo Gaadiidka, loona kala goosho Gobolada kale ee Dalka.
Maamulka Degmada Baardheere ayaa waxay bogaadinayaan Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka oo gurmad u codsatay iyo in Gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadaka ku waxyeeloobay Roobabkii iyo Daadadkii ka dhashay, kuwaasi oo saameeyay Dadka Degmada, “ waxaan kaloo aan codsaneynaa in dib-u-dhis lagu sameeyo buundada Baardheere ee Gobalka Gedo”.
“Buundoonyinka Dalka ayaa la daalaa dhacayo bur bur iyo Dhibaato dayactir la’aan oo in muddo ahba bulshada Soomaaliyeed ku dhiban yihiin.Waxaanna ugu baaqaynaa mas’uuliyiin Dalka in arrinkaa xoogga saaraan si bulshada wax loogu celiyo, dalkuna bilicdiisa ku soo noolaato”.ayuu sii raaciyay.
Dhinaca kale waxaa jira in Guud ahaan Gobolada dalka Soomaaliya intooda badan ay ka curteen Roobabkii Xilligii Gu’ga, kaasi oo badi uu ka da’ay iyo waliba Wadamada Deriska ah gaar haan Dalka Itoobiya oo uu ka yimaadaan Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa waxaa dhici kara in ay sameeyaan Fatahaad geysan karta khasaare isugu jirta dhinacyada Dalagyada Beeraha iyo tan dadka, sidaasi awgeed ayaa waxa soo yeeraya in Farriimo badan oo ku aadan dadka dega ama uu maro Webiyadaasi gaar haan kan Webiga Shabeelle.
Farriintaani waxay ka timid Nin Odey ah oo ku dhaqan Deegaanka Iimeey Galbeed ee Dowlad Deegaanka Soomalida, kaasi oo soo diray muuqaal Webiga Shabeelle oo aad u biyo keenay, islamarkaana wata Daadad ku fiday dhul ballaaran oo ku qiyaasay ballaar haa ilaa 5 km, “Sheeko iyo Shahid laguma arag Webi shabelle oo biyo intaa la eg wada, marka waxaan leeyahay halaga fogaado” “FARRIINTAAN YAAN LA FUDUDEYSANNA”, waa uu sii raaciyay.
Haddaaba maxaa la gudboon Dadka Dega Deegaanada la sheegay? Waxaa la gudboon in Dhulka Webiga Shabeelle uu maro, Dadka deggan waa iney ka digtoonaadaan Biyahaasi uu wado Webiga, kaasi oo keeni kara Biyo-bixid baahasan, loona diyaargaroobo sidii loo xakameyn lahaa.