Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Farriin digniin ah oo ku socota Deeganada uu maro Wabiga Shabeelle (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Farriin digniin ah oo ku socota Deeganada uu maro Wabiga Shabeelle (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Farriin digniin ah oo ku socota Deeganada uu maro Wabiga Shabeelle (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 27, 2023
8 Min Read
Share

Inta aan u guda galin dulucda Warbixinta aan yara jaleecnno taariikhda Degmada Baardheere, Magaalada Baardheere waa magaalo aad u fac weyn waxay oo ku taal koonfurta gobolka Jubbada sare ama loo yaqaan Gobolka Gedo. Magaalada Baardheere waxay ka mid tahay magaalooyinkii Soomaaliya ugu horreeyey uguna faca weyn oo laga aas aasay meel ka fog xeebta koonfureed ee dalka Soomaaliya. Baardheere waxay u jirtaa xeebta Baraawe masaafo qiyaastii dhan 250 km. Juqraafi ahaan, Baardheere waxa u dhow Dhul baraha oo u qeybiyo dunida waqooyi iyo koonfur. Cimiladeeda Baardheere waa mid diiramad ah, taas oo u sahlineysa in sanadka oo idil beeraha laga faa’ideysan karo marka la istimaalayo waraabka beeraha.

Waxa magaalada Baardheere laga dhisi rabay biyo xireen aad weyn loona yaqaanay Markabley, oo gabo-gabo ku sugnaa ka hor inta aysan burburin dowladdii dhexe mashruucii biyo xireenka Markabley, kaa soo ahaa mid dowladdii dhexe ay rabtay in karonto laga dhaliyo, kadibna loo qeybiyo dhammaan gobolada dalka iyo wadamada deriska sida Kenya iyo Ethiopia.

Baardheere waxay ku jirtey magaalooyinkii istaraajiiga ahaa ee uu gumeystaha Ingriiska iyo talayaaniga saldhigyada ka dhigtey. Qarnigii 19aad ilaa bartimihii qarnigii 20aad ee tagey ayuu gumeystaha marba si u degenaa magaalada Baardheere. Waxaa taariikhda ku cad in taariikhda Miilaadiyada 1890 ilaa 1960kii ay waddamo badan oo Afrikaan ah ay gumeysi gacantii ku jireen iyadoo qoraalo badan oo xusayo dhacdooyin taariikh leh ay ka dhaceen Bardhere.

Waxaa jirta sida aan la wada soconno in Degmada Baardheere uu ku dhuftay Roobab watay Daadad, marna laga dareemay sida wax u eg dhul go’, waxayna khasaare ka soo gaartay Bulshada ku dhaqan halkaasi, xitaa waxaa jira in Daadadku ay qaadeen Xoolihii ay dhaqanayeen, sidaasi awgeed waxaa loo istaagay sidii loo caawin lahaa Dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa dhawaan gaaray Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo maalmo ka hor uu ku fatahay wabiga Jubba, kadib Roob xooggan oo halkaas ka da’ay , taas oo ay ku geeriyoodeen ilaa 7-ruux halka Maalmo ka horreeyey daadad ka dhashay roob mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay ay ku dhinteen 13 qof,  taas oo dhimashada ka dhigaysa 20 qof,  halka dadka dhawacyada ay halkaas ka soo gareen daadadka iyo fatahadaas ay marayaan ilaa laba qof oo rayid ah.

Guddoomiye Maxamuud Macalin waxaa socdaalkan ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Waxbarashada XFS, Ahmed Cismaan,Sanatar Abdullaahi Sheikh Ismaacil fartaag,waxaana hay’adda maareynta degmadaas geysay laba diyaarad oo wadda shixnad Gargaar ah oo iskugu jira raashin, dhar iyo daawo.

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay musiibooyinkii is xig-xigay ee ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxayna sheegeen in laba diyaaradood oo sida gargaar isugu jira dawo iyo cuno ah oo ay iska kaashadeen Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ay gaarsiinayaan Magaalada Baardheere, si loo gacan siiyo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen, waxayna baaq u direen Heyadaha Caalamiga ee ka shaqeeya arrimaha Bini’aadannimada.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden oo gabagabadii ka hadlay dhibaatada ka dhacday Magaalada Baardheere ka hadlay ayaa baaq u diray guud ahaan Dadka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto Togga Baraxleey ee ku soo rogmaday Daadku Degmada Baardheere, kaasi ay Dad badan waxyeello ka soo gaartay, wuxuuna xusay in xoogaa kaalmo ah la gaarsiiyay, in kale la filaayo in ay dhawaan la gaarsiiyo.

Sidoo kale, maamulka Jubbaland ayaa baaq ka soo saaray xaaladda bani’aadannimo ee ka jira Baardheere, waxaa ilaa iyo hadda la gaarsiiyay Magaaladaasi Raashin iyo Daawo balse waxay masuliyiinta sheegeen in laga filaayo dhawaan inay halkasi gaaraan waxyaabo intaasi ka badan, waxaana ku soo biiraya Heyadda Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmada Biniaadannimada iyo tan Caafimaadka Adduunka (WHO),  ugu dambeyntii waxay sheegeen inay u mahadcelinayaan cid kasta oo gacan ka geysata howsha gurmadka Dadka Baardheere oo ay mussiibo Rabbaani ah ay ku dhufatay

Ganacsade lagu magacaabo Aaden Faarax oo ka mid ah Ganacsatada Deegaanka ayaa sheegay in bakhaaradii Raashin iyo waxyaabaha la cabo ay noqdeen kuwo Daadku qaado iyo kuwa qoyay, “marka waxaa Degmada soo foodsaaraya xaalad cunno xumo iyo Hoy la’aan, waxaa kaloo jira in Gawaari badan ay iyaguna ku xayiran yihiin Buundada go’day korkeeda iyo Daafaha Degmada”, wuxuuna codasaday in si dhaqsi leh dib u dhis loogu sameeyo Buundada Baardheere iyo Biyo xireenadii kaleba, si uu u bolowdao habsami u socodka Dadka iyo Gaadiidka, loona kala goosho Gobolada kale ee Dalka.

Maamulka Degmada Baardheere ayaa waxay bogaadinayaan  Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka oo gurmad  u codsatay iyo in Gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadaka ku waxyeeloobay Roobabkii iyo Daadadkii ka dhashay, kuwaasi oo saameeyay Dadka Degmada, “ waxaan kaloo aan codsaneynaa in dib-u-dhis lagu sameeyo buundada Baardheere ee Gobalka Gedo”.

“Buundoonyinka  Dalka ayaa la daalaa dhacayo bur bur iyo Dhibaato dayactir la’aan oo in muddo ahba bulshada Soomaaliyeed ku dhiban yihiin.Waxaanna ugu baaqaynaa mas’uuliyiin Dalka in arrinkaa xoogga saaraan si bulshada wax loogu celiyo, dalkuna bilicdiisa ku soo noolaato”.ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale waxaa jira in Guud ahaan Gobolada dalka Soomaaliya intooda badan ay ka curteen Roobabkii Xilligii Gu’ga, kaasi oo badi uu ka da’ay iyo waliba Wadamada Deriska ah gaar haan Dalka Itoobiya oo uu ka yimaadaan Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa waxaa dhici kara in ay sameeyaan Fatahaad geysan karta khasaare isugu jirta dhinacyada Dalagyada Beeraha iyo tan dadka, sidaasi awgeed ayaa waxa soo yeeraya in Farriimo badan oo ku aadan dadka dega ama uu maro Webiyadaasi gaar haan kan Webiga Shabeelle.

Farriintaani waxay ka timid Nin Odey ah oo ku dhaqan Deegaanka Iimeey Galbeed ee Dowlad Deegaanka Soomalida, kaasi oo soo diray muuqaal Webiga Shabeelle oo aad u biyo keenay, islamarkaana wata Daadad ku fiday dhul ballaaran oo ku qiyaasay ballaar haa ilaa 5 km, “Sheeko iyo Shahid laguma arag Webi shabelle oo biyo intaa la eg wada, marka waxaan leeyahay halaga fogaado” “FARRIINTAAN YAAN LA FUDUDEYSANNA”, waa uu sii raaciyay.

Haddaaba maxaa la gudboon Dadka Dega Deegaanada la sheegay? Waxaa la gudboon in Dhulka Webiga Shabeelle uu maro, Dadka deggan waa iney ka digtoonaadaan Biyahaasi uu wado Webiga, kaasi oo keeni kara Biyo-bixid baahasan, loona diyaargaroobo sidii loo xakameyn lahaa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Haweenka Qaranka Soomaaliyeed “HOOYO U HIILI QARANKA”

Muqdisho(SONNA):-Haweenka Qaranka Soomaaliyeed “HOOYO U HIILI QARANKA” ayaa maanta Duco iyo Baroordiiq u sameeyay Shuhadadii toddobaadkii hore ay kooxaha Khawaarijta…

GudahaWararka
August 10, 2024

Bandhigga hal-abuurka fursadaha haweenka Soomaaliyeed ee kalluumeysiga oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS, Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in ay dowladdu hiigsan doonto horumar…

GudahaWararka
September 11, 2024

Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday Mashaariic Horumarineed

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah oo miro-dhal ah Xarunta Wasaardda Maaliyadda kula yeeshay…

GudahaWararka
January 15, 2025

Dab khasaare hantiyadeed geystay oo ka kacay suuqa wayn ee Jowhar

Jowhar(SONNA):-Dab xoggan oo geystay khasaaro hantiyeed ayaa saakay hore ka kacay suuq wayn ee magaala Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.…

GudahaWararka
August 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023