Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda FS mudane Faarax Sheekh Cabdqaadir ayaa fariin gaar ah oo uu soo saaray maanta, looguna galagalay munaasabadda maalinta macalinka waxa uu ku sheegay in wasaaraddu ay juhdi badan ku bixinayso sidii macalinka Soomaaliyeed uu u heli lahaa agabka waxbarasho ee muhiimka ku ah shaqadiisa.