Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika
    February 16, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal Teleefanka ah la yeeshay Amiirka dalka Qatar
    February 16, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ahmiyad siinaysa Ilaalinta xuquuqda macaamiisha Isgaarsiinta
    February 16, 2026
    Wasiirka ganacsiga oo Addis Ababa kula kulmay mas’uul sare oo QM ka tirsan
    February 16, 2026
    Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay danjiraha Shiinaha
    February 16, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Falcelinta madashii furnayd ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga jawaabay su’aalaha Shacabka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Falcelinta madashii furnayd ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga jawaabay su’aalaha Shacabka
Maqaallada

Falcelinta madashii furnayd ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga jawaabay su’aalaha Shacabka

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 10, 2023
5 Min Read
Share

Kadib markii uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud uu ka qeybgalay madashii furneyd ee su’aalo Dadweyne lagu weydiinayay, islamarkaana uu si saraaxad leh uga wada jawaabay weydiimihii Shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyeen, ayaa waxaa ka yimid falcelin ama FEED BACK, taasi ay ka bixiyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan Dalka gudahiisa iyo kuwa ku nool daafaha Dunida, waxaana ka mid ahaa Dadkii falcelintaasi ku muujiyay sawir gacmeed Amiin Caamir oo ka mid bahda saxaafadda ee sawirada wax ku cabira, waxa uuna Kartoonkiisa ku cabiray Oraah ay isweydiinayaan Laba Odey oo Daawanayay Madashaasi furan, waxa uuna mid ka mid leeyahay “ Asigoo Hal sano oo kaliya jooga ayuu Warbaahinta oo dhan u fasaxay ina su;aal kasta la weydiiyo”.

Waxaa kaloo ka mid ah Dadkii ka soo falceliyaay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Musse M. Maxamuud oo ku sugan Magaalada Helsinki ee Dalka Finland, waxa uuna qoray qormo dheer uu ku cabirayay sida ay ula muuqatay Madashaasi, waxa uuna ku bilaabay,  “Markii aan warbaahinta ku arkay ogeysiiska madal furan oo uu Madaxweyne Xasan sheekh uga jawaabi doono su’aalaha ay shacabku qabaan ayaan si taxadar leh ugu riyaaqay hindisahaasi, dhab ahaantii markiiba ii muuqday dhalanteed aan dhici Karin”..

Waa uu sii  wata qoraalkiisa Muwaadinkaasi waxa uuna naftiisa ku maaweeliyay sidan:-“Waxaanse mar kale naftayda u sheegay in dad la soo xulay ay dabcan imaan karaan Madaxtooyada Qaranka kaddibna ay halkaas Madaxweynaha kula jalbeebsan karaan, afkaar iyo su’aalo la sii qorsheeyayna ku weydiin karaan. Si kastaba ha ahaatee, muuqaal wax-san-arag ah ayaa ii bidhaamay waxaana igu soo butaacay dareen igu riixay in aanan ka hordhicin waxa dhici doona ee aan si dhow oo dhuun-daloolnaan lagu laray ula socdo madasha la baahiyay in ay dhacayso”.

Maxamed Cabdi waa sii hadloo waxa uu sii raaciyay “Aniga iyo asxaabtayda waxaan dubanay salool qaxwana waan karsannay, waxaana dadaal dartiis u diyaar sannay labo kambuyuutar, si haddii mid waleecaad helo aan kan kale ugu baxsanno. Aan kuu sheegee waxaanu darban nahay in aan madashan ku daawanno magaalo la yiraahdo Helsinki oo caasimad u ah dalka Findland oo dhaca woqooyiga shishe ee Yurub. Wax yar ka hor madasha ayaan ogaaday goobta Madaxweyne Xasan sheekh iyo shacabku ku doodayeen ay tahay hoteelka caanka ah ee Jazeera palace, haddii aadan aqoon hotel Jazeera aan kaadaba-geeyo, waa Hoteel ku suntan ka sokow adeeggiisa hufan, dhex-dhexaadnimo ay ku dhiiradaan joogitaankiisa iyo degitaankiisaba dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka ku kala aragtida duwan”.

Muwaadinku waxa uu leeyahay “Waxaan dhegta u raariciyay su’aalaha Madaxweynaha la weydiinayay iyo jawaabaha uu ka bixinayay madasha ayaa ahayd mid si toos ah looga baahinayay Warbaahinta Qaranka iyo tan gaarka loo leeyahayba. Su’aaluhu waxay ka tarjumayeen dareenka shacabka ee ku aadan ammaanka, dhaqaalaha, siyaasadda dalka, xiriirka arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya iyo su’aalo kale oo nolosha caadiga ah ee shacabka si gaar ah u taabanayay. Marka laga soo tago waaqicinnimada jawaabaha uu Madaxweynuhu bixiyay,waxaan i soo jiitay habka uu Madaxweyne Xasan ula falgeliyay dadka madasha joogay iyo sida uu u weynaynaayay muhiimadna u siinayay su’aal kasta oo la weydiiyay”.

Waxaa uu leeyahasy Muwaadinkaasi Soomaaliyeed  “weli maankayga ku sawiran sida uu su’aalaha qaar fadhiga uga kacayay marka uu ka jawaabayay Cajiib.

Marka aan isku soo duubo, aragtidaydu waa, in Madaxweyne Xasan sheekh uu dumiyay gidaarkii u dhexeeyay Madaxda dalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyee,, kuwaas oo xaq u leh una qalma in ay helaan Madaxweyne u soo banbaxa, su’aalahoodana toos uga jawaabaya dareenka ay qabaanna la qaybsada”

“Mahadsanid madaxweyne” ayuu ku soo gunaanaday falcelintii uu soo Wakaaladda SONNA la wadaagay Muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Muuse M. Maxamuud.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika

Addis Ababa (SONNA): Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad…

February 16, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mudane Ilaali Sirta Qaranka

Adiga oon fududaanin ilaali sirta Qaranka oo ha dhaawicin hannaanka geeddi socodka siyaasadeed ee Xukuumadda, sidaa daraadered,markasta oo aad tagto…

MaqaalladaWararka
February 15, 2020

Maxaa laga fahmi karaa Sheegashada Al-Shabaab ee Xasuuqii Muqdisho.?

Maalmo ay maleeshiyada Alshabaab la aamusnaayeen sheegashada Qaraxii ay ku xasuuqeen ku dhawaad 100 qof oo rayid ah waxay qirteen…

MaqaalladaWararka
December 31, 2019

DHALLINYAROOY HA DHIMANINA GEERIDA HORTEED!

Muqdisho,(SONNA)-Garashadu waxay na leedahay ”Sooyaalka iyo dhacdooyinka la soo maray waa kuwa mudan in la milicsado, markasta oo ay soo …

Maqaallada
April 18, 2021

Maxay Khawaarijtu u albaabada ugu laabeen guryihii Alle “Masaajida” ee ku yaalay deegaanada laga saaray

Muqdisho(SONNA):-Maxay Khawaarijtu u albaabada ugu laabbeen guryihii Alle “Masaajida” ee ku yaalay deegaanada laga saaray Kooxda naxariista daran ee khawaariijta…

GudahaMaqaalladaWararka
January 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023