Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Faahfaahinno ku saabsan howlgalka cusub AUSSOM (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Faahfaahinno ku saabsan howlgalka cusub AUSSOM (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Faahfaahinno ku saabsan howlgalka cusub AUSSOM (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 10, 2024
6 Min Read
Share

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ah ee bedeli doona ciidamada Midowga Afrika ee hadda jooga Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS marka ay soo gabagabeeyaan howlgallada dhammaadka sanadkan. 1-dii Agoosto, Midowga Afrika waxa ay qaateen fikrad istiraatijiyadeed oo ku saabsan howlgallada loogu talagalay Taageerada iyo Xasilinta Howlgalka Soomaaliya (AUSSOM) waxayna u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo oggolaaday 12-kii Agoosto ee sanadkan 2024-ka.

“Howlgalka dabagalka ah wuxuu yeelan doonaa ilaa 11,911 shaqaale ah, oo ay ku jiraan 85 rayid ah iyo 680 booliis ah, oo la geyn doono afar qeybood oo juquraafi ahaan ah,” sida laga soo xigtay mareegaha wararka ee madaxa banaan ee Warbixinta Golaha Ammaanka. โ€œHowlgalka waxa uu howlgeli doonaa laga bilaabo bisha Janaayo 1-deeda, 2025-ka, waxaana si tartiib tartiib ah uu u wareejin doonaa masโ€™uuliyadaha amniga ee ciidamada amniga Soomaaliya, shaqaalahoodana ay kala bixi doonaan dhammaadka 2028-ka.โ€

Hadafka cusub ee amniga ayaa ka dhigan sii wadidda waajibaadka ATMIS. AUSSOM waxay mudnaan siin doontaa howlgallada ka dhanka ah Argagixisada ee Al-Shabaab, Tayeynta ciidamada amniga Soomaaliya, iyo horumarinta wada-hadallada siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiinta.ย Howlgalka ayaa ujeedadiisu tahay in diiradda la saaro tallaabooyinka lagu dhisayo nabadda, taasoo ka dhigeysa in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyso dhismaha dowladnimada iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.

Dowladaha Masar iyo Jabuuti ayaa ciidamadooda u ballan qaaday AUSSOM, iyadoo ciidamada Masar laga yaabo inay ku beddelaan 3,000 oo ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya oo ATMIS ka mid ahaa. ย Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay dalkeeda ka saarayso Askarta Itoobiyaanka ah, sababtuna waxay tahay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya qorshaha gelitaanka Badda Cas ee Itoobiya, kaasi oo ย ay wada galeenย  Is-afgarad beenaadka dhex maray Abiy iyo Muuse Biixi, sida ay qortay Africa Defense Forum (ADF) ee Taliska Gaashaandhigga Maraykanka.

“Haddii Itoobiya ay ka bixi waydo heshiiskii [Heshiiskii Is-afgaradka] ee ay la gashay maamulka Somaliland, ciidamadeedu kama qeyb ka noqon doonaan howlgalka soo socda,” Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sidaa yiri mar uu ka hadlayay shir ka dhacay Muqdisho 22-kii Agoosto. “Haddii ay sii jiraan, ma hoos imaan doonto waajibaadka Midowga Afrika.”ย Masar ayaa la sheegay in ay ciidamo u soo diraysa Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaasi oo beddelaya howlgalkii ATMIS ee Soomaaliya, sidaasi waxaa shaaciyay Midowga Afrika, iyadoo ay War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan howlgalkan, waxaana dalalka kale ee Qaaradda ah loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

Dadka dhaliila sida Suleymaan Walhad oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in Midowga Afrika aysan abbaarin xalka Soomaaliya, “Ma ahan run in Soomaaliya ay u baahan tahay ciidamo shisheeye, si ay isu xaqiijiyaan nabadda iyo xasilloonida,” ayuu ku qoray qoraal 9-kii Agoosto ee bogga wararka ee Eurasia Review. “Waxay u baahan tahay hannaan dib-u-heshiisiin qaran iyo in qabaa’ilkeedu ay nabad ku wada gaaraan.”ย Geesta kale, Fauziya Ali, oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha ururka u dooda haweenka ee ammaanka caalamiga ah ee Geeska Afrika, ayaa aaminsan in habka Midowga Afrika uu u horumarayo uu yahay mid hab wanaagsan.

“Howlgalkan cusub wuxuu ballan-qaadayaa hab isku-dhafan oo dhammaystiran oo ku aaddan nabad-ilaalinta iyo xasilinta Soomaaliya,” ayay ku qortay maqaal 27-kii bishii Agoosto ee shabakadda gobolka DiploBrief. โ€œWaxaa looga gol leeyahay in lagu dhiso guulihii ay gaareen AMISOM iyo ATMIS, iyadoo la xalinayo khaladaadkii la ogaaday intii lagu jiray marxaladda kala guurka ee hadda la soo gabagabeeyay. “Daneeyayaasha Soomaaliyeed waa in ay si firfircoon uga qaybqaataan qaabeynta istiraatiijiyadda howlgalka, hubinta in ay la jaan-qaado waxyaabaha mudnaanta u ah qaranka iyo in ay kobciso xasilloonida muddada fog ee Qaranka dhibaataysan,” ayay sii raacisay.

โ€œHamiga siyaasadeed ee ku xeeran kala-guurka si joogto ah isuma barbar dhigin xaqiiqooyinka dhabta ah, ka dibna sababa dib u dhac,โ€ Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo Bariga Afrika ah oo ka tirsan kooxda xasaradaha caalamiga ah, ayaa u sheegay wargeyska The East African bartamihii bishii Luulyo. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa 22-xarumood kala wareegay ATMIS, waxaana dib u soo ceshaday dhulalka qaar, balse Maxamuud ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in loo baahan yahay waqti dheeri ah, si loo sii horumariyo laamaha amniga Soomaaliya.

โ€œWaxay u badan tahay in Soomaaliya ay wali u baahan doonto kaalmo ciidamo shisheeye ah ugu yaraan labada sano ee soo socota, si looga fogaado khalkhal amni,โ€ ayuu ku daray Mahamuod.ย Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaasi oo ujeedkiisu ahaa in kadib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka, iyadoo Midowga Afrika uu bogaadiyay dadaalka iyo ka-goโ€™naanta dawladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada Xoogga Dalka, si howlahaasi loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday Beesha Caalamka in kor loo qaado taageeridda dowladda Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka Amniga iyo Saameynta Isbadelka Cimilada oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho(SONNA):--Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Shirka Amniga iyo Saameynta…

GudahaWararka
September 9, 2024

Khawaariijta oo dab qabadsiiyey deegaan ku yaalla koonfurta gobolka Mudug

Muqdisho(SONNA):-Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa tacadiyo aad u fool xun u geystay shacabka Soomaaliyeed, kadib markii ay ku xad gudbeen xurmada naf,…

MaqaalladaWararka
March 18, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada…

GudahaWararka
February 7, 2023

Howlgallo ka dhan ka khawaarijta oo ka socda gobolka Shabeellada hoose

Marka-(SONNA)- Cutubyo ka tirsan Guutada Cumar binu-khadaab ee CXD iyo booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay…

GudahaWararka
February 14, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023