Addis ababa(SONNA):- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay kulan xal loogu raadinayey halista cunto yarida dalalka ay abaaruhu sida baโan u saameeyeen ee Geeska Afrika.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee Addis ababa ayay isugu yimaadeen Wasiirrada Beeraha dalalka ay abaaruhu wax-yeellada baโan u geysteen ee Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan.
Shirka oo ay wadajir u marti-galiyeen Midowga Afrika, Hayโadda IFRC, FAO iyo Baanka Horumarinta Afrika, ayaa diiradda lagu saaray xal u raadinta qatarta cunto yarida dalalka afarta ah iyo sidii loo dhisi ahaa mashaariicda adkaysiga iyo soo kabashada bulshada abaaruhu saameeyeen.
Dhinacyadu waxa ay isku raaceen in wadajir looga shaqeeyo xooggana la saaro mashruucyada wax ku oolka ah ee dhisaya adkaysiga, soo kabashada iyo xalka waara.
Malaayiin qof oo ku nool Geeska Afrika ayaa wajahaya cunto yari, xilli gobolku la daalaa-dhacayo mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee soo mara in muddo ah, waxaana u sii dheer colaado iyo xasillooni darro sanado badan jirta.