Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynaha JFS oo ka hadlay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka
GudahaWararka

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka

By Kanaava Mohamed
Last updated: December 24, 2022
2 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Shuhadada ee madaxtooyada Qaranka, ayaa dul istaagay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta, xaaladda magaalada Baydhabo iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa hoosta ka xariiqay in kooxda Khawaarijta laga xoreeyay dhammaan degaannada gobolka Shabeellaha dhexe,islamarkaana maalin ka hor ciidamada qaranka iyo dadka deegaanku ay la wareegeen degmada Ruunir-Good ee gobolkaas.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ay isku diyaarinayaan dagaal ka dhan ah Khawaarijta, kaas oo looga sifeynayo Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo hadda abaabulkoodu uu socdo.

“ Degmadii ugu dambeysay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la xoreeyay, 5-ta degmo ee gobolka Hiiraan waa xor. Galmudug wax yar ayaa nooga dhiman. Koonfur Galbeedna ciidamadii ka dagaalami lahaa furimaha dagaalka ayaa la geeyey, kuwo kale hadda ayaan u wadnaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Dhinaca kale, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay Xaaladda magaalada Baydhabo, isagoo wixii shalay ka dhacay ku tilmaamay wax aad looga xumaado, wuxuuna dhinacyada is haya ugu baaqay in ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan, xalna ka gaaraan khilaafka jira.

Waxaa socda, howlgallo isdaba joog ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta, iyadoo isa soo tarayaan xubnaha ka soo goosanaya Khawaarijta ee isku dhiibaya dowladda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Muqdisho(SONNA):-Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray aqoon isweydaarsi ku saabsan ‘Horumarinta…

GudahaWararka
September 13, 2025

Hoggaamiye ka tirsanaa malleeshiyaadka fallaagada Libya oo la dilay

Tripoli-(SONNA)-Mohamed al-Kani, oo ka tirsanaa hoggaamiyeyaasha malleeshiyaadka fallaagada Libya oo horay loogu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa…

CaalamkaWararkaWargayska
July 28, 2021

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed.+Sawirro

Muqdisho (SONNA)- Sii hayaha wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta…

Wararka
August 11, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bulshada Rayidka ka dhegaystay tallooyin ku aaddan hiigsiyada Qaran

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalkeenna ayaa kulamo la qaatay…

GudahaWararka
November 28, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023