MUQDISHO-(SONNA)-Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda FINLAND, MR Jukka Pajrarinen, iyo Safaaradda FINLAND ee Soomaaliya kuwaas oo aan ka wadahadaleyn dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo Soomaaliland.
Ergayga ayaa uga mahadceliyayย Agaasimaha iyo safaaradda doorka dowladda FINLAND ay ka qaadatay Dowladd dhiska Soomaaliya, Waxaana uu warbixin ka siiyay sida ay uga go’an tahay ka guul gaarista wadahadallada Somaliland, iyo in Dowladda DFS ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayoย Arrimaha Somaliland.
Dhankiisa Mr Jukka Pajrarinen ayaa u muujiyay Ergeyga sida ay diyaar ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawaiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland.