New York-(SONNA)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb galay kulamada shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka oo ka socda magaalada Washignton ee dalka Maraykanka.
Ergeyga ayaa ka qaybgalay kulan ay dalalka Afrika kaga hadlayeen sidii ay codkooda ugu midayn lahaayeen, si ay saamayn ugu yeeshaan goโaanada masiiriga ah ee hayโadaha maaliyadeed ee adduunka, ugana faaโiidaysan lahaayeen fursadaha cusub ee isbeddelka dunida.
Shirka waxaa guddoominayey ku xigeenka xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Amina J Mohamed, doodo wax ku ool ah, dhaliilo togan iyo tabashooyin garawshiyo leh ayaa miiska la isgu keenay.