Muqdisho (SONNA) Ergayga Gaarka ah Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa kullan muhiim ah la yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, H.E. Ibraahim Mete Yagli, kullanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray muhimadda ay leedahay dib u billaabida wada-hadalladii DFS iyo Somaliland.
Ergayga ayaa si mugg leh uga mahadcelinayay Safiirka doorkii ay dowladiisu ka ciyaartay wada hadalladii hore, waxaana uu la wadaagay in DFS ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayoย Arrimaha Wadahadallada Somaliland.
Safiirka ayaa dhankiisa soo dhoweeyay dedaalada dowladda, waxaana uu Ergayga u muujiyay garab istaag buuxa.