Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi oo si rasmi ah u bilowday
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi oo si rasmi ah u bilowday
Wararka

Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi oo si rasmi ah u bilowday

By Sonna Whiteka
Last updated: November 22, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in si toos ah loo bilaabay duuliyaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, kadib markii dhawaan heshiis ay Kenya wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Axmed Macalin Xasan oo u warramay Warbaahinta Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi ay faa’iido weyn u tahay bulshada Soomaaliyeed oo kalhore dhibaato ku qabay marista Wajir ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

“Dhawaanahan waxaad la socotaan in shacabka Soomaaliyeed ay dhib weyn ku qabeen maritaanka magaalada Wajir marka ay u sii socdaan Nairobi, halkoo aad ay dhibaato badan kala kulmi jireen iyo flight ka oo ku dheeraada, diyaaradda marka ay Muqdisho ka kacda 50 daqiiqo ayay u soconeysaa Wajir, halkaas ayaana la joogayaa Wajir, hadana 50 daqiiqo ayay u soconeysaa magaalada Nairobi, markii hore ay tooska ahayd, diyaaradda waxa ay Nairobi u socon jirtay halsaac iyo bar” ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista oo hadalkiisa ku daray “Dhawaan markii Madaxweynaha Dalka uu booqasho ku tegay Nairobi waxaa mira dhalkeeda noqday in dhibkaas uu Alle ka qaado Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana dib loo bilaabay duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, kaasi oo maanta si rasmi ah uga bilowday Muqdisho, wixii maanta ka dambeeyana diyaaradaha ka kaca Muqdisho waxa ay si toos ah u tegi doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya”.

Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa hoosta ka xaqiiray in diyaaradaha ka duula qaar ka mid ah Gobollada dalka aysan si toos ah u tegi doonin garoonka Jomma Kenyatta ee magaalada Nairobi, isla markaana ay mari doonaan magaalada Wajir, waxaana uu intaa ku daray in diyaaradaha ka duula Muqdisho ay si toos ah u tegi doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Tallaabadaan ayaa ah mid wax weyn u tareysa bushada Soomaaliyeed ee daneyneysa inay helaan duulimaad toos ah oo ay ku tegaan Nairobi, halka markii hore ay mari jireen magaalada Wajir.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeey Geerida DR Maxamed Yuusuf

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda caafimaadka iyo guud…

GudahaWararka
February 28, 2025

Koonfur Afrika oo ku dhawaaqday masiibo qaran,kadib fatahaado ka dhacay dalkaasi

Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqday maanta oo Isniintii ah masiibo qaran, ka dib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen in…

Caalamka
February 14, 2023

14 Qof oo ku dhimatay Diyaarad ku bur-burtay Dalka Kazakhstan

Nur-Sultan-(SONNA)-Ugu yaraan 14 Qof ayaa ku geeriyootay 60 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray shil Diyaaradeed oo ka dhacay Dalka Kazakhstan.…

Wararka
December 27, 2019

Argagaxisada oo laga soo ooday ilihii dhaqaale ee ugu dambeeyay (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ku dhow 7- bilood dagaal kula jirta Kooxda Maleeshiyaad Argagixisada ah ee Khawaarijta, waxaana laga abaaray…

GudahaMaqaallada
February 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023