Muqdisho(SONNA);-Howlgal gaar ah oo saaka Ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen dhulka Howdka ah ee Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad Iyo Cadaley, Koofurta gobolka Mudug halkaas oo ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa la xaqiijiyey in Khasaare badan lagu gaarsiiyey cadowga.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Howlgalka lagu Dilay Horjogayaal iyo Maleyshiyaad badan.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Waxaa uu sheegay in tirada Cadowga looga dilay Duqeynta uu ka badan yahay 55 dhimasho ah oo Maleyshiyaad iyo Horjogayaal isugu jira iyo dhaawaca tiro 40 ka badan.