Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Duqa Muqdisho oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Duqa Muqdisho oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta
GudahaWararka

Duqa Muqdisho oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 30, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa qaabilay wafdi ka socda Laanta Ururka Jaamacadda Carabta u xilsaaran Waxbarashada, Dhaqanka iyo Sayniska ee (ALECSO), kuwaas oo magaalada Muqdisho u jooga in ay qabtaan Aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo lagu horumarinayo barashada iyo adeegsiga Luuqadda Carabiga.

Wafdiga ALECSO ee la kulmay Dr. Muungaab, oo ka koobnaa saddex xubnood ayaa waxaa hoggaaminayay Mudane Zayd Al-sabbaan, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, waxaana ka mid ahaa: Dr. Raami Zaki Iskandar, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada ee ALECSO. Dr. Cali Cabdalla Al-naciim, Agaasimaha Mac-hadka Caalamiga Afka Carabiga ee Khartuum, oo hoos taga ALECSO.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinacyada waxbarashada iyo dhaqanka, gaar ahaan horumarinta iyo fidinta Luuqadda Carabiga oo ah Afka labaad ee rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka sokow Afka hooyo ee Af-Soomaaliga.

Guddoomiye Muungaab ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda iyo doorkooda firfircoon, isagoo xusay in dowladda hoose ee Muqdisho ay ka go’an tahay in ay taageerto dedaallada lagu horumarinayo waxbarashada, isla markaana ay ku dhiirrigeliso jiilka cusub barashada Afafka rasmiga ah ee dalka.

Wafdiga ALECSO ayaa sharraxay ujeedka safarkooda Muqdisho, oo ah in lagu qabto aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo barashada Luuqadda Carabiga, ayna ku xoojinayaan xiriirka waxbarasho ee Soomaaliya iyo waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay Soomaaliya, maadaama uu ayidayo dib-u-soo-celinta kaalintii ay ku lahayd gobolka, xoojinta waxbarashada iyo kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed oo ku dhisan xiriir qoto dheer oo taariikhi ah oo uu la leeyahay qayb ahaan dhaqamada Carabta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Howlgal lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab

MUQDISHU-(SONNA)- Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa xalay howlgal ay ka sameeyen duleedka deegaanka…

GudahaWararka
September 21, 2020

Madaxweyne Trump oo la geeyey Isbital Militari, ka dib markii Covid-19 qandho ku keenay

Washington (SONNA)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa tagay isbitaalka ciidanka Walter Reed oo ku yaala magaalada Washington DC, saacado ka…

CaalamkaWararka
October 3, 2020

Ra’iisul-wasaare Ku xigeenka Dalka oo maanta daahfuay Imitaxaanaadka Dugsiyada sare

Muqdisho(SONNA)--Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daahfuray Imtixaanka dugsiyadda Sare ee dalka oo maanta ka…

WararkaWargayska
July 18, 2020

NISA oo fashilisay isku day dil oo doonayeen in ay Muqdisho ka fuliyeen laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho (SONNA):- Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyey isku day dil oo laba dhagarqabe oo…

GudahaWararka
May 6, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023