Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Isutaga Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Dr. Axmed Jumca Al-Rumeysi.
Labada Masโuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac, sii wadida arrimaha garโaarka oo ay Dowladda Imaaraatka gacan weyn ka geysato iyo sidii Mashaariic horumarineed loogu fulin lahaa Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Dowladda Imaaraatka Carabta uga mahad celiyay kaalintooda ku aadan garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.