Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Hayโadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijyada Horumarinta (UNDP) ee Soomaaliya Lionel Laurens.
Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa loogu hadlay dar-dar gelinta Mashaariicda Horumarineed oo ay Heyโadda UNDP ka taageerto Dowladda Hoose ee Xamar iyo sidii loo abuuri lahaa barnaamijyo cusub oo lagu gaari karo Qorshayaasha Hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ugu horeyso, dib-u-dhiska kaabayaasha, horumarinta xirfadaha iyo aqoonta Howlwadeenada iyo taaba gelinta doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in fulinta Barnaamijka Siyaasadda loo dhan yahay oo ay ugu horeyso Awood siinta Haweenka, Xalinta Khilaafaadka iyo Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ay horseed u noqon doonto ka dhabeynta Hiigsiga iyo Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in dalka uu ka dhaco doorasho qof iyo cod.