Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaalmarinayay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee (Somali Business Awards).
Mudane Cumar Filish ayaa sheegay inay tani horseedi doonto tartan furan oo horumar, wax soo saar iyo wax qabad lagu loollamo, mar hadiiba ay jiraan hayโado ay ka mid tahay Somali Business Awards oo u taagan dhiirri gelinta ganacsatada hal-abuurka leh.
Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn bogaadiyay cid kasta oo gacan ka geysatay qabashada barnaamijkan, iyaguna ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin.