Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Toban halaad oo geel ah oo loogu talagalay Ciidamada qalabka sida ku wareejiyay Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha ee XFS Mudane, Maxamed Cali Xagaay.
Wareejinta deeqdan waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Aggaasimaha guud ee wadaarada Arrimaha gudaha ee XFS iyo taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka.
Deeqdan Geela ah ayaa loogu tala galay in lagu dhiirri geliyo Ciidanka qalabka sida oo har iyo habeen u taagan la daggaallanka khawaarijta iyo kooxaha kale ee dhibaatada ku haya ammaanka guud ee dalka.