Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga
    June 2, 2026
    Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta hawlaha samafalka
    June 2, 2026
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddiga sare ee Sanduuqa Qaran ee maareynta khataraha
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Dumarka Soomaaliyeed iyo dowladnimada (maqaal)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dumarka Soomaaliyeed iyo dowladnimada (maqaal)
GudahaMaqaallada

Dumarka Soomaaliyeed iyo dowladnimada (maqaal)

By Kulane
Last updated: January 16, 2023
3 Min Read
Share

Hanashada Xorriyadda Dumarka Soomaaliyeed waxay ka soo qaateen door aan la ilaabi Karin, waxayna u hureen Naftooda iyo Xoolahooda, iyagoo la garab joogay dhiirigalin, waana ay ku guuleysteen inay ka soo muuqdaan doorkii ay ku lahaayeen dowlanimadii lagu taamaayay sanadkii 1960-kii.

Tan iyo burburkii dowladnimada, dumarka  Soomaaliyeed waxay tabar iyo taagba hayeen waxay  isugu geeyeen taakuleynta dadkooda tabaaleeysnaa oo ay iyagu ugu horreeyeen.

Xilligaasi way tabar darnaayeen oo taag ay ku joojiyaan tacadiyada dalka ka socdey ma aysan laheyn, balse waxay cod dheer ku diidanaayeen dhiigga ay qubayeen ragga Soomaaliyeed. waxay dareen hooyanimo ku lahaayeen “tolaay oo tacab qasaarnay waxaa tabtaan na baday waa tiirkaan cuskaneynay”, waxayna ka digayeen tog dheer oo qaranimadu ku dhacdo waxay ku baaqayeen tanaasul, tashi, talo iyo tubti toosneed oo lagu soo noqdaa, waxay ku taamayeen dowladnimo tis qaadd oo lagu tanaado,

Maanta  oo  mar kale jidka dowladnimadi lagu tallaabsadey  dumarka Soomaliyeed waxay dowladdooda  la garab taagan yihiin tabantaabo,  tootoosin, iyo taageeraba. waxay tusaale ka dhigteen taariikdi la soo maray, waxay ku dadaalayaan tuhunka dadka Soomaaliyeed soo kala dhex galay oo dhammaada, waxay la tacaalayaan tabaalooyinkii colaadaha qabiilka dhaliyeen, waxay tilmaamsadeen tartan dowladnimo iyo horumar la taaban karo.

Sidoo kale dumarka Soomaaliyee waxay tabteeda hayaan  iney tirtiraan tiinka ku taagan dadkooda ee  ka dhex baxay tabar-daradi iyo tasowgii ku dhacay qaranimadeenna, waxay tooshka ku bidhaamiyeen nacabka ku naaxay dhiigga ka tifiqda leh dadka Soomaaliyeed, waxay tageen furimaha iyagoo ku labisan maryaha macaweesta iyo kuwa ciiddanka, iyagoo muujinaya taageeradooda ku aadan kacdoonkan heerya tuurka ah ee lagula jiro cadowgan tabarta haatan la wiiqay.

Tan iyo markii uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Shiikh Mxamuud ku dhawaaqay dagaalka lagula jiro tiinkan garanwaaga ah ee tabta ka dhigtay dhabar ka toogashada shacabka Soomaaliyeed,  dumarka waxay taagnaayeen safafka hore ee kacdoonka bulsho, iyagoo sidii caadada u aheydba la garab taagnaa Qarankooda taakuleyn iyo taageero dhan kasta leh.

Dumarka Soomaaliyeed waxay ku tartamayaan  sidii ay ku noqon lahaayeen Xaawa taakada qarnigeeda; mid qori qaada iyo mid sahay iyo saad samaysaba.

Ugu danbaytii waxaan Rabigeen ku tawakalaynaa in uu nagu taakuleeyo tir tiridda kuwa towxiidka ka been abuurtay ee tubti Islaamka ka leexday waxaana leenahay siduu Sayid Maxamed Cabdulle Xasan yiri:- Alle ha unaxariistee

Ebow Nin goba baan ahoo guni rifaysaayee

Ebow markaan gaylanay gulmiyow baqaanee

Eebow anaa kaga gar lahee guushaa  I siiyee.

Qallinka: Farduus Daahir Cabdiraxmaan 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula wareegay xarumihii ay banneeyeen ciidanka ATMIS

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in ciidanka Qaranku si buuxda ula wareegay xarumihii…

GudahaWararka
July 6, 2023

Maraykanka oo cunoqabatayn saaray xubno ka tirsan khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-War qoraal ah oo ay maanta soo saartay waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in 7-da dal ee xubnaha ka…

GudahaWararka
April 15, 2025

Soomaliya oo taageero dhanka la dagaalanka khawaariijta ka heshay dowladdaha gobolka(Faallo)

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda…

MaqaalladaWararka
February 2, 2023

Soomaaliya iyo Liibiya oo Xoojiyey Xiriirkooda Diblamaasiyadeed ka dib Wadahadallo ku dhexmaray Tripoli

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay…

GudahaWararka
April 11, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023