Muqdihso-(SONNA):- Khawaarijta Arxanka daran ee Al-shabaab ee ku soo duushay dalkeena balse haatan uu dabar go’a ku socdo kadib 15 sano oo dalkeena iyo dadkeena ay ku hayeen dhaqan ka baxsan kan islaamka iyo kan dadka Soomaliyeed ayaa deeggaanaddii laga saaray waxaa lagu arkay arrimo ka baxsan diinteena suuban oo ay ku dhaqaaqeen.
Waxaa ay xireen dugsiyaddii Qur’aan-ka kariimka lagu baran jiray, Iskuuladdii iyo goobihii caafimaadka ee loogu adeegi jiray dadka. Bulsho waxbarsho la’aan ah, adeeg caafimaad heysan, la marin habaabiyay oo la go’doonshay ayaa loogu tagay deeggaanaddi laga dulqaaday cadowga arxanka daran ee khawaarijta.
Argagixisada deeggaanaddii ay in muddo gacanta ku hayeen kagama tagin wax yar oo horumar ah, iyadoo dadka deeggaanadaasi ku nool ay intaas u dhereed in ay ka qadaan baad joogto ah ciddii ka hortimaadana la dilo ama la xiro.
Khawaarijta waxa ay kala dagalantay wax kasta oo horumar ah, iyadoo cadeen u ah inay bulshadda ku nool deeggaanadda ku jira gacantooda inay u diideen waxbarasho dhan walba ah. Waxaa ay xireen xarummo lagu barto qur’aanka Kariimka iyo tacliinta kale oo shaqeynaayay in ka badan 70 sano sida laga soo xigtay dadka ku dhaqan deeggaanaddi lagu jabiyay cadowga. Waxa ayna uga dan leeyihiin inay indha ka ridaan bulshadda si ay uga dhaadhiciyaan fikradaha qaldan iyo ka been abuurashada diinteenna Suubaan.
Macalin Abuukar calasoow oo ku nool deegaanka Guulane oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dugsi qur’aan furna in ka badan 70 sano oo ay wax ku baran jireen ardayda deegaanno badan oo ka tirsan shabeellaha dhexe inay khawarijtu xireen.
“Cadowgu waxaa ay xireen xaruntii iyo dugsigii ay cilmiga diinta ka soo doonaan jireen sanado badan bulshadda deegeenno badan, taasina waxaa ay ku tusineysa sida ay ula dirireen horumarka iyo waxbarshadda marba haddii ay xireen goobihii waxbarashadda”. ayuu yiri Macalin Abuukar.
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa dhankiisa sheegay in uu la yaabay dhaqan xumadda iyo arxan daradda ay ku dhaqmayeen Khawaarijta ee aanan meelna ka soo galin diinteena suuban uu ku soo arkay degmada Aadan Yabaal iyo deeggaanaddii kale laga sifeeyay cadowga khawaarijta alshabaab.