Muqdisho-(SONNA)-Dr. Sheekh Cusmaan Macallin Maxamuud Sheekh Cali oo ka mid ah Culimada ka qayb gashay shirka weynaha Culimaa’udiinka Soomaaliyee ayaa sheegay in qilaafka uu yahay mid dhaca isagoo Meesha ka saaray in mucaaradka Imaamku uu noqdo mid wax toosiya.
Sheekha ayaa sheegay in Rasuulku SCW uu saxaabadiis kula dardaarmay daacad iyo ismaqal iyo in aan dadka talada haya la khilaafin, wuxuuna xusay in madax iyo shacab ay waajib ku tahay difaaca iyo ilaalinta Diinteenna suubban.
“DR Cusmaan Macallin” Madax iyo shacab waxa waajib ku ah difaaca iyo ilaaalinta Diinteena.”
Sheekh Cusmaan ayaa ugu dambayn sheegay in aad la qilaafin Imaamka ama hoggaanka dalka si aysan fidnadu u baahin loogana hor iman dardaarankii Rasuulka SCW.