Muqdisho-(SONNA)-Dr; Maxamed Diiriye Sabriye ayaa Culimaaโudiinka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalin muhiim ah ka qaataan daminta colaad beeleedyada.
Dr; Maxamed Diiriye oo ka hadlayay shirka labaad ee Culimaaโudiinka Soomaaliyeed oo maalintii saddexaad ka socda Muqdiho ayaa intaa ku daray in si ay taasi u hirgashona ay dowladdu ballaariso adeegyada bulshada, sida Booliska iyo garsoorka.
Maxamed Diiriye Sabriye “Culimada Soomaaliyeed waa inay kaalin muhiim ah ka qaataan daminta colaad beeleedyada.”
Culimada ayuu si gaar ah u faray in ay sameeyaan wacyigelinjoogto ah kuna baxaan goobaha ay dagaalladu ka dhacaan, iyadoo ay dowladduna qaadanayso kaalinta ugu weyn deminta dagaallada dhex mara beelaha.