Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay 73ย muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay diyaarad gaar ah kaga soo qaadday Dalka Ethiopia.
Muwaaddiniintan ayaa qeyb ka ah dadka Soomaaliyeed ee ka soo baxsaday colaadda dalka Suudaan, kuwaasi oo soo gaaaray dhanka Ethiopia, halkaas oo ay dowladda Soomaaliya uga soo qaaday diyaarad qaas ah.
Dhowaan ayay ahayd markii in ka badan 100 muwaadiniin Soomaaliyeed laga soo daabukay dalka Ethiopia, kuwaasi oo u badnaa Arday ku xanibneyd colaadda dalka Suudaan.